berberatoday.com
Eriteria Ragga Oo Lagu Ku Amray Guursiga Laba Xaas Iyo In Kabadan Haddii Kale Xabsiga Lagu Abaal Marin Doono
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Eritrea(Berberatoday.com)-Kooxaha u ololeeya xuquqda Aadanaha ee dalka Eritrea ayaa soo bandhigay Qoraal ay ku sheegeen inuu ka soo baxay waaxda arrimaha diinta ee dawladda Eritrea.

index

 

 

 

 

 

 

Qoraalka waxay dawladda Eritrea kaga codsatay ragga u dhashay dalkaasi inay guursadaan ugu yaraan laba xaas, iyadoo arrintaasi ugu wacan tahay iyadoo ay ragga ku yar yihiin dalka Eritrea.

Rag badan ayaa ku le’day dagaalkii ay Eritrea la galeen milliteriga Ethiopia.

Qoraalka ka soo baxay dawladda Eritrea oo ku qornaa luuqadda carabiga ayaa lagu sheegay inay dawladda dhiirigalinayso siday diintu na fartay in la guursado xaasas badan (Polygamy).Eriteria

Qoraalka ayaa lagu sheegay in nin kasta oo Eritrean ah waajib ku tahay inuu guursado ugu yaraan laba haween, iyadoo ninkii diida arrintaasi mutaysan doono xabsi Daa’im oo ay weheliso shaqo culus (Life Imprisonment with hard labour).

Sidoo kale, haweenaydii ka horjoogsata ninkeeda inuu naag kale guursado inay mutaysan doonto xabsi daa’im.

Warkan oo aanay dawladda Eritrea si rasmi ahaan u shaacinin, ayay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Eritrea sheegeen inuu sharcigan soo baxay iyadoo ay tiradda ragga Eritreanka yaraatay sababa la xidhiidha dagaalkii lagu riiqmay ee ay la galeen Milliteriga Ethiopia.

Dagaalkaasi waxa uu bilawday bishii May ee sannadkii 1998-dii, wuxuuna joogsaday bishii June ee sannadkii 2000, waxaana dal kasta kaga geeriyootay ciiddan lagu qiyaasay 150,000 oo qof.

Tiradda Guud ee dadka reer Eritrea waxay dhan tahay 4 million oo qof, halka tiradda Ethiopianka haatan cagacagaynayso 84 million oo ruux.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews