berberatoday.com
Guddida Dabagalka Xasuuqa Oo Soo Bandhigtay Xabaal Laga Helay Arabsiyo Oo Ay Ku Jireen 9 Rayid Ah Oo Gacan-ku-dhiigle TUKE Xasuuqay
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Arabsiyo(Berberatoday.com)-Xabaal wadareed lagu aasay 9 qof oo rayid ah sannadkii 1984-kii oo dawladdii Siyaad Barre ku xasuuqday degmadda Arabsiyo ee gobolka Gabiley, ayaa  la soo saaray maalintii salaasaddii ee dorraad. Waxa xabaal wadareedan la soo saaray goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha Guddida baadhista xasuuqa  Jamhuuriyadda Somaliland,  Khadar Axmed Like, Guddoomiyaha degmada Arabsiyo iyo  qaraabadii dadkii halkaas lagu laayay.  “Waxaanu doonaynaa haddii ILAAHAY  yidhaahdo soo saarno  xabaal wadareedan  ku taalla magaalada Arabsiyo, xabaashan oo ah kuwii loo aanaynayay ee  uu geystay taliskii Maxamad Siyaad Barre  ee joogi jirey gobolka Gabilay, oo imika dacwadeedii taagan tahay ninka la yidhaahdo Yuusuf Cabdi Cali (Tuke),  waxaanu  doonaynaa in imika la soo saaro oo markhaati looga dhigo lafihii uu isagu meesha ku duugaay,’’ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida baadhista xasuuqa Khadar Axmed Like, oo warbaahinta kula hadlay xabaashaas dusheeda.qolfoofGudoomiyaha degmada Arabsiyo  Mr.  Cabdilaahi Cabdi Faarax  oo isaguna madashaas ka hadlay  ayaa ka  warbixiyay dadkan ku aasan xabaal wadareedkan waxaanu yidhi “Dadkan waxa xasuuqay taliskii dhiigyo-cabka ahaa ee Soomaaliya,dadkaasina waxaa ay ahaayeen dad aan dambi galin oo maato ah oo reer miyi ahaa,waxaanay ku wada jiraan goob qudha waxaana goobtan oo kaliya lagu aasay  9 qof. 7 gelinkii hore ayaa lagu toogtay meesha iyaga oo aan dambi galin. labana galinkii dambe ayaa lagu xidhay, iyaga oo ka laalada tiirarkii lagu xidhay maydkoodii ayaa gelinkii dambe saddex qof lagu soo dul xidhay, oo iyaguna shiciba, hal qof waala sii daayay oo xadhiga laga jarey sidaasaanu ku waashay , labadii kalana halkii ayaa lagu toogtay, maantana waxaa halkan goob joog inagala ah eheliyadii dadkaa.’’ Dad ku hadlayay magaca eheladii dadkii xabaashan lagu aasay oo iyaguna madashaas ka hadlay ayaa sheegay in sabab la’aan lagu xasuuqay dadkan oo ahaa kuwo rayid ah oo aan hubaysnayn isla markaana wax dagaal ah oo ay ku jireen aanay jirin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews