berberatoday.com
Haweeney Fulisay Codsi Uu Seygeedu Kula Dardaarmay Oo Ahaa In Marka Uu Dhinto Meydkiisa Iyo Lacagtiisa La Wada Aaso
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Ninkan ayaa noloshiisa shaqo uun ku jiray, lacagta uu shaqaystana meel ku ururin jiray. Waxaana uu ahaa bakhayl bakhayl dhaafay, oo lacagta si xad ka bax ah u jecel. Ninkan ayaa lacag jacaylku gaadhsiisay, heer uu Xaaskiisa kula dardaarmo in marka uu dhinto ee uu adduunka ka tago, ay u samayso codsigan oo uu ku yidhi1453801961”_”burial+check“I dhagayso xaaskaygiiyeey, waxaan doonayaa, inaan mid kuu sheego. Waxaan kaa doonayaa inaad ii samayso balan ah in marka aan dhinto aad lacagtaydii oo dhan wixii aan ka shaqaystay adduunkan iigu rido sanduuqa meydkayga oo aad i ag dhigto, intaan lay xabaalin. Waxaan doonayaa inaan u qaato lacagtayda aakhiro” Bakhaylkani sidaas ayuu kula dardaarmay Xaaskiisa. Gabadha uu qabay ninkan bakhaylka ah oo ahayd gabadh aad u jecel ayaa u balan qaaday ninkeeda in ay u samayn doonto codsigiisa oo u fulin doonto dardaarankiisa. Hagaag, waxa timid maalintii uu adduunka ka tegayay, oo ninkii bakhaylka ahaa socoy/dhimay, halkaa iyo xabaashii loo sii qaad, Xaaskiisa oo dhar madow xidhan (dharka Kiristaanku xidhaan markay geeriyaysan yihiin), oo dhinac fadhida mid ka mid ah saaxiibka ay isugu dhow yihiin, ayaa markii ay dhamaatay xafladii, ee sanduuqii uu meydku ku jiray loo qaaday xabaasha, waxay usoo kacday dhanka godkii lagu ridayay, sanduuqa meydku ku jiray, ayaa waxay tidhi “u kaadiya, daqiiqad halaysugo.” Dabadeed inta ay soo qaaday sanduuq kuwa kabaha lagu rido oo kale ayay dul dhigtay naxashkii, intaas kadib waa lagu xidhay naxashkii oo sidaas ayaa lagu aasay. Gabadhan ayaa saaxiibkeed uu waydiiyay “ waxaan rajaynayaa inaadan waalnayn, aad ku riday dhamaan lacagtii naxashka.” Waxay tidhi “ haa, waan balan qaaday. Waxaan ahay qof Kiristaan ah oo fiican, ma sheegi karo been. Waan u balan qaaday ninkayga inaan u samayn doono sidan, oo uu iga codsaday intaanu dhiman, dhamaan lacagtiina waanigaa u dhigay naxashiikii lagu riday ee lagu aasay.” Ayay ugu jawaabtay saaxiibkeed. “ma waxaad u jeedaa oo aad ii sheegaysaa inaad Senti kasta oo lacagtiisa ahayd aad raacisay, oonad waxba kala hadhin?.” Sidaa ayuu yidhi saaxiibkeed. Waxaanay mar labaad ugu jawaabtay “haa waan sameeyay. Dhamaan lacagtiisii waan soo qaaday, waxaan ku shubay akownkeyga, dabadeed waxaan u qoray Jeeg.”  Xigasho:http://naijapicks.com/

Ururintii iyo soo koobidii: MMC Faro

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews