berberatoday.com
Nin Qoxooti Ku Ah Dalka Sweden Oo Mindi Ku Dilay Haweenay Shaqaale Ah
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Mindi kaleSweden(Berberatoday.com)_Wiil dhalinyaro ah oo kamid ah qaxootiga iska dhiibay dalka Sweden ayaa Isniintii doraad Mindi ku dilay Haweenay kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya xeryaha Qaxootiga ee Waddankaasi.

Falkan ayaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Mölndal, waxaana la sheegay in haweenayda ay u dhimatay dhaawacyadii kasoo gaadhay Mindi uu ku dhuftay Wiil dhalinyaro ah oo kamid ah qaxootiga halkaasi lagu hayo.

Booliiska Sweden ayaa diiday inuu xiligan shaaciyo Waddanka uu kasoo jeedo wiilkan qaxootiga ah ee dilka geystay, waxayna sheegeen inay baadhitaan wadaan.

Wiilka gacan ku dhiiglaha ah ayaa waxaa la sheegay inay qabteen dadkii qaxootiga ahaa ee xerada ku jiray ka hor intaan booliiska goobtaasi gaadhin.

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xili ay Taliska Booliiska Sweden ay todobaadkan codsadeen in lagu soo kordhiyo ciidamo dheeraad ah oo gaadhaya 4000 (Afar kun) oo askari, si ay uga qeyb qaataan arrimaha Qaxootiga badan ee dalkaasi soogalay iyo waliba sugida amaanka.

Bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale nin asal ahaan kasoo jeeda waddanka Eriteraya uu mindi ku dilay labo qof oo ku sugnaa dukaanka weyn ee IKEA. Ninkaasi dilka geystay ayaa la sheegay in dowladda ay u diiday sharciga.

Waddanka Sweden oo shacabkiisa lagu qiyaaso inay gaadhayaan 9.8 milyan oo qof ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2015, waxaa gaadhay qaxooti tiradooda kor u dhaaftay 160.000 (boqol iyo lixdan kun).

Sweden oo horey loogu yiqiinay dalalka ugu soo dhaweynta fiican ee Midowga Yurub ayaa dhamaadkii sanadkii tagay sheegtay in xeryahooda qaxootiga ay buuxsameen isla-markaana ayna qaabili karin qaxooti kale.

Waxayna sheegtay in qaxootiga hadda ku sugan gudaha Waddankaasi ayna heysan goobo ku filan oo ay seexdaan.

Tallaabooyinka dowladda Sweden qaaday ayaa waxaa kamid ahaa inay adkeysay xuduudda ay la wadaagto dalka Denmark oo ay uga soo gudbanaa inta badan qaxootiga soo mara dalalka Giriiga iyo Germany.

Dhinaca kale waxaa Waddanka Sweden bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayey cadaawadda ay shacabka dalkaasi u muujinayaan dadka soogalootiga ah, waxaana jiray weeraro lagu qaaday xarumaha ay leeyihiin dadka qaxootiga ah ama soogalootiga oo ay ku jiraan masaajidada ay maamulaan Soomaalida.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews