berberatoday.com
“Shaygii Hal Doollar Lagaa Siin Jiray, Imika Waxa Lagu Odhanayaa 2 Kun Ku Soo Darso.”
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

Dadweynaha oo ka cabanaya inaan hoos u dhaca Doollarku Saamaynin Ascaarta

Lacagta Somaliland

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Qiimaha lagu Sarrifo Lacagta Doollarka Maraykanka, ayaa aad hoos uga dhacay Magaalooyinka Dalka Somaliland, laakiin, illaa hadda waxa halkiisii taagan Qiimaha Ascaarta Darururiga.

Hoos u dhaca qiimaha lagu sarrifayo Lacagta Doollarka, ayaa taabatay Nolosha Dadweynaha Reer Somaliland ee Gobollada iyo degmooyinka.

Dadweynaha, gaar ahaan Dadka Danyarta, ayaa hoos u dhaca Qiimaha doollarka aan saamaynin Qiimaha Ascaarta Daruuriga ah Cabasho aad ah ka muujiyey, waxayna Xukuumadda ugu baaqeen inay wax ka qabato Qiimaha Raashinka oo halkiisii taagan.

“Haddii Qiimaha Doollarku hoos u dhacay, waxaanu Dawladda leenahay hoos ha loo eego Qiimaha Raashinka oo Sicir barar ah. Xabadda Kaabashka ah, ayaa la naga siinayaa 8 kun, dollarkiina Halkuu marayo waad arkaysaan. Xukuumaddu aad bay u Mahadsan tahay ee aad ha u eegto Dadka Danyarta ah iyo khudradleyda.” Sidaa waxa Warbaahinta u sheegtay Hooyo ka mid ah Haweenka Khudradlayda ah ee Magaalada Ceerigaabo.

Nin kale oo ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo, ayaa isaguna Saxaafadda u sheegay in Cabashadoodu tahay, “Doollarkii wuu jabay oo Shaygii Hal Doollar lagaa siin jiray, imika waxa lagu odhanayaa 2 kun ku soo darso.” Ayuu yidhi, Ninkaasi oo tilmaamay in Mushkiladda ay ka cabanayaan inay tahay in Qiimaha Doollarkuna hoos u dhacay, Qiimihii Raashinka iyo alaabooyinka kalena ay halkoodii joogaan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews