berberatoday.com
Wasiir Ay Xukuumaddu Wakiillatay Oo Carrab Dalab Leh Ku Difaacay Xeerka Muranka Dhaliyey Ee Bangiyada
January 28, 2016 - Written by Berbera Today

“Arrinku Waa Uu Ka Duwan Yahay Sida Ay Xisbiyada Mucaaridka Ah & Sheekhyadu [Culimaa’udiinka] U Weerareen Ee……”

Hargaysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu Horaysay ka hadashay Xeerka Buuqa Badan ka dhaliyay aqalka Golaha Wakiilada Ee ogolaanaya in Bangiyada ganacsigu ka hawl Galaan Somaliland, kaas oo horyaala Xildhibaanada  mudanayaasha Baarlamaanka.cali xaamud

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi Baadhista Cali Xaamud Jibriil oo madal ardayi ku qalinjabisay oo uu ka hadlayey arrintan kaga faa’iidaystay, ayaa soo dhaweeyay Xeerka waxaana uu sheegay inaanay Somaliland Maamulin Bangiyada Caalamka Kana hawl Gali Karaan,isaga oo Tilmaamay in si khaldan loogu turjumay xisbiyada iyo shacabka Somaliland,“Annagu golahii xukuumada ayaanu nahay,Dawladuna waxa ay ka kooban tahay saddex dhardhaar,annaguna(xukuumaddu) awood uma lihin inaanu golaha sharci dajinta ku nidhaahno waxaas ka daaya sharciguna ma dhigayo,madaxwaynuhu waa madaxwaynihii qaranka Laakiin Golaha Sharci dajintu waa uu madax banaan yahay,sida ay xisbiyada mucaaradku iyo sheekhyadu u weerareen maaha ee arinku waa uu ka duwan yahay.” Ayuu yidhi wasiir Cali Xaamud Jibriil.

wasiirka  oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaas raaciyey “Golahu xeerka way ka doodeen gudiyana way u saareen,shantii nin ee loo saaray way baadheen culimadiina dib ayay ugula noqdeen,iyaga oo leh maxay shareecadda islaamku ka qabtaa,markaas 12 culimo ah iyo shanti xildhibaan ayaa golaha horkeenay lagana akhriyay laguna Camal Falay.”

Geesta kale wasiirka oo Difaacaya Xeerka Baananka ayaa Deel Qaaf ku tilmaamay in Xisbiyada Mucaaradku iyo dadka Ka Soo horjeestay Canbaareyeen Xeerka Bangiyada ganacsiga oo Lagu tilmaamay inuu Ribo Dalka Keenayo, waxana uu yidhi, “Waxa Wanaagsan dad islaam ah ayaynu nahay inaan cidna cid caayin,dadka inaga ayaa dooranay cod ayay ku yimadeen Madaxwayne Siilaanyo Muu Magacaabin,waxaanan u kacay in sifaha sharciga ah aan idiinku sharaxo hawshuna siday tahay waana lagu dhaqmay.”

Wasiirka oo xeerkan u qiil-samaynayaa, ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay dadka aan diinta islaamka haysanin ee Bilaha ramadaan Somaliland jooga,”innagu Aduunka ma mamaamulno Bisha Ramadaan dad islaam ah ayaynu nahay waynu soonaa,hudheelada cunto laguma sameeyo,laakiin cid walba oo dibada inooga timadaa huteelkaas aynu maanta joogno ayay dagan yihiin,cunta inta ay karsadaan ayay cunaan,sharcigeenu ma xidhi karo waayo iyagu islaamkaba way ka baxeen,laakiin wada noolaansho ayaa inaga dhaxeeya,Bangiyada Caalamkana inagu Mamaamulno siday u dhaqmayaan iyaga ayay u talaa,Laakiin wixii shareecada islaamka ka horimanaya idinkala mid ayaan ahay.”ayuu yidhi wasiir Cali Xaamud.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews