berberatoday.com
Wasiirka Dib u Dejinta Oo Aamusnaan Kaga JAwaabay Qorshe Lagu Cusbooneysiinayo Aqoonsiga Qaxootiyada Ku Nool Somaliland
January 28, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa (Berberatoday.com)-Wasaaradda dib u dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa ka bilowday bixinta kaadhadhka dadka qaxoontiga ah, waxaana shalay xarunta wasaaradaasi  soo buux dhaafiyay boqolaal qof oo xaqoonti ah, kuwaasi oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, una badan qoomiyadda Oromadda. ajaanib2Xarunta wasaaradda dib u dejinta Somaliland,  ayaa maalmihii u dembeeyey lagu arkayay qaxoonti tiro badan oo safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada kaadhadhka qaxoontinimada, dadkaasi ayaa dhammaantood ah qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya, waxaanay isugu jiraan kuwo ay hore u diwaan-gelisay Hay’ada qaxoontiga u qaabilsay qaramada Midoobay ee UNHCR iyo kuwo cusub. Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda UNCHR, kama mid ahaa masuuliyiintii   ku sugnayd xarunta wasaaradda dib u dejinta ayaa ka hadlay arrinta dadkan qaxoontiga ah ee ka soo jeeda dalka Itoobiya, waxaanu sheegay in ay dadka qaxoontiga ah u cusboonaysiinayaan  kaadadhka wakhtigoodu dhammaaday, waxaanu tilmaamay in khaadhadhka la siiyay dad gaadhaya illaa laba kun oo qof, halka ilaa todoba kun oo kalana ay dalbanayaan magan geliyo.” Wasiirka  wasaarada dib u dejinta Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo warbaahinta dawladda gaar ahaanna jariirrada DAWAN ee afka xukuumadda ku hadashaa wax ka weydiisay arrintaas   ayaa isagu ka gaabsaday inuu ka hadlo xaaladda dadkan Itoobiyaanka ah, ee loo cusboonaysiinayay kaadhka qaxootinimada ee ay wadanka ku joogeen, oo ay siinayeen wasaaradda dib u dejinta iyo Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews