berberatoday.com
Fadeexadda Musuq-maasuq Ee Dul-hogganeysaa Wasiir Cali Mareexan Iyo Dhismaha Wadada Ceerigaabo, Berbera Oo Istaagtay + Lacagaha Uu Sameystay Acounno Gar Ah.
January 29, 2016 - Written by Berbera Today

.Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cali Mareexan ayaa ku fashilmay inuu taako ku daro dhismaha wadooyinka ee xukuumada gacanta ku haysay, isla markaana wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali x Xasan gaadhsiiyey meel fog, Wadooyin kaasoo ay kamid yihiin Wadada weyn ee isku xidha magaalada Ceerigaabo iyo Burco, halka kuwo kaloo oo masaafo ahaan ka yarna aanay cidiba xageeda u jeesan.Wasiir Mareexaan ayaa dakhliga wasaaradiisu bulshada somaliland ka qaado oo ah mid xadiguusi badan yahay ku tagri falay, kaasoo la sheegay inuu ku shubtay accoun-gaar ah oo la sheegay inuu wasiirku gaar uu leeyahay. Ma jirto war cad oo wasiiraddu kasoo saartay arrimaha, hase-yeeshee Warar Xogo-ogaal ah oo ay heshay shabakadda warar ee xogreebnews ayaa sheegay in aanay ilaayo maalintii uu wasiir Mareexan la wareegay xilka Hay’ada wadooyinka ay gabi-ahaanba istaageen shaqooyinkii ka socday wadooyinkaasoo ay kamid tahay wada Ceerigaabo iyo wadada Berbera.

Waxanay wararku intaa raaciyeen in wasiirkani lacag baaxad leh kala wareegay maamulkii wadooyinka ee hore, isla markaana aan hadda la garanayn meesha ay ku baxday iyo sababta ay isku taageen dhismihii wadooyinku. Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku hawlan qorshe dakhli uu ku urursanaayo, isagoo dakhliga baabuurta kasoo degta marsada Berbera midkiiba uu ku leeyahay lacag, taasoo maamuladii hore inteeda badan ku dhici jirtay qasnada dawlada, hase-ahaatee imika waxa uu wasiirku amray in loogu shubo acoun isaga u gaar ah, waxana uu maanta ku sugnaa magaalada Berbera si arrintaas meel ugusoo tiiriyo.

Waxa kaloo mudadii yareyd ee Wasiir Cali Xilka hayey uu Xaraashay Boqolaal Foosto oo Daamur ah oo yaalay Xaafadda Masalaha Hargeysa, warsheda ina Cummaani oo ay shurug ku yihiin Musuqa baaxadda leh ee ay ku hawlan yihiin.

Kama garanaayo sababta wasiirka ku cusub mansabka qaran durba ugu banbaxay Musuqmaasuqa aan gabashada lahayn ee ku kacay mudadii yarayd ee uu xilka hayey. Waxa’se bulshada ka war sugaysaa tallaada uu Madaxweyne siilaanyo kaga dareen celiyo inuu garabsiiyo iyo inuu xilka ka qaado.

 

 

 

Berberatoday.com/Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews