berberatoday.com
France”Wasiirad Is Casishay Iyo Waxa Ku Kalifay
January 29, 2016 - Written by Berbera Today

Paris(Berberatoday.com)-Christiane Taubira oo ahayd Wasiirkii Cadaalada ee dalka France ayaa Arbacadii shalay is-casishay si ay u muujiso diidmadeeda ku aadan qodobo kamid ah sharciga cusub ee la dagaalanka argagaxisada oo doodiisa ka socoto Baarlamaanka France.

cas

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Baarlamaanka France ayaa shalay bilaabay inuu ka doodo sharciga cusub ee la dagaalanka argagaxisada oo qodobo kamid ah uu qorayo in dhalashada laga xayuubiyo qofkii lagu tuhmo ama lagu helo danbi la xadhiidha argagaxisada.

Sharciga cusub ayaa la bilaabay in la qoro kadib weeraradii bishii November ka dhacay magaalada Paris oo ay geysteen dhalinyaro heysta dhalashada wadankaasi iyo kuwo kale oo ka yimid wadanka Belguim.

Xisbiyada wadanka France ayaa qaarkood soo jeediyey in la adkeeyo sharuucda wadankaasi u yaal ee la dagaalanka argagaxisada, iyagoo ku baaqay in sharciga laga xayuubiyo ama xabsi guri loo qoro dadka lagu tuhmo inay xidhiidh laleeyihiin kooxaha argagaxisada ah. Inkastoo ay doodi ka taagan tahay qaabka loo dhaqan geliyo sharuucdan cusub.

Haweenayda ahayd Wasiirka Cadaalada oo kamid ahayd xubnaha muhiimka ah ee xukuumada France ahna haweenay madow ayaa marar badan oo horey uga dhawaajisay inay kasoo horjeedo shuruucda ay u ololeenayaan qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo ku caadiyey Wasiirada inay soo dajiso sharciga cusub una soo qorto qaabka ay u doonayaan.

François Hollande, Madaxweynaha France ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka wasiirada isagoo ugu mahadnaqay hawlihii waaweynaa oo ay qabatay intii ay xilka heysay

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews