berberatoday.com
Hooyooyin Uu Sicir Bararka Maceeshaddu Dhabanno Haysay Ku Riday Oo Qaylo-dhaan Udiray Madaxwaynaha Iyo Aragtida Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Hoos Udhaca Dollarka
January 29, 2016 - Written by Berbera Today

“Markii Dollarku qaaliga ahaa waxa Haafka Sonkorta ah la naga siin jiray $ 14 dollar, imikana wuxuu marayaa $ 17, markaa Dadku Bakhti buu..” Hooyo

 Burco(Berberatoday.com)-Sicirka bararka Maceeshadda daruuriga ah, ayaa saameyn weyn ku yeelatay Nolosha Dadweynaha Somaliland, gaar ahaan Qoysaska Danyarta ah ee ku dhaqan Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Warka Sicir BararkaLacagta Doollarka oo inta badan Dadka Reer Somaliland Isticmaali jireen, ayaa dedaal Xukuumaddu samaysay awgeed aad hoos ugu dhacay, laakiin, Qiimaha dhaca ku yimid Lacagta Doollarka, ayaan wax isbeddel ah ku keenin Qiimaha lagu iibiyo Raashinka, waxaana Ganacsatadu ay Raashinka ku iibinayaan Qiimihii ay hore u siin jireen.

Haweenka ku Ganacsada Sariimadda Hilibka iyo Khudaarta ee Magaalada Burco  ee Xarunta Gobolka Togdheer, oo Shalay Warbaahintu booqatay, ayaa ka waramay sida Qiimaha Dhaca Doollarka iyo isbeddel la’aanta Qiimaha Raashinku Noloshooda ugu yeeshay saamaynta ba’an.

Hooyooyinka la hadlay Warbaahintu, waxay tilmaameen in hoos u dhaca Qiimaha Doollarku uu toos u taabtay Nolosha Qoysaskooda, isla-markaana Qoysaskii horeba Noloshoodu u liidatay ka sii dareen markii Doollarku hoos u dhacay.

“Haddaanu nahay Shacabka, Waxaanu ka cabanaynaa Raashinkii iyo Khudraddii oo markii Doollarku jebay aan Raacin iyo Dharkii oo la mid ah, markaa Dawladda ha is raaciso Qiimaha Dollarka iyo Qiimaha Raashinka oo wax ha ka qabato.” Sidaa waxa tidhi, Xaliimo Xirsi oo ka mid ah Haweenka ku Ganacsada Sariimadda Hilibka iyo Khudaarta Magaalada Burco.

Sidaa si la mid ah, ayay sheegtay Hooyo kale oo halkaa ku Ganacsata, “Waxaanu ka cabanaynaa, Qiimihii uu Doollarku gaadhsiiyey Raashinka oo aanu ka soo deign markii uu jebay. Markii la yidhi Doollarku wuu jebay waxa Raashinkii la noogu garaacayaa Shilinka Somaliland, markaa Doollarku wuu na dhibay ee hadduu Jebay Qiimaha Maceeshaddu ha is-waafaqaan.”ayay sheegaty.

Haweenay kale oo Cabashada Sicir bararka ku soo gudbisay Makarafoonka Warbaahinta booqatay, ayaa baaq u dirtay Madaxweynaha Somaliland, waxayna tidhi, “Doollarkii markuu jebay kor baa la noogu qaaday Qiimihii Raashinka. Ganacsatada Somaliland markay maqleen Doollarkii baa jebay waxay nagu dallaceen Qiimihii Raashinka ee Mudane Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa inaad mar labaad noogu dhawaaqdo Raashinkii baa jabay.”

Laakiin, Hooyo kale oo ka mid ah Danyarta Burco, ayaa ka qaylo-dhaamisay saamaynta Sicir bararku ku yeeshay Noloshooda, “Magaalada Burco saddex dabaqadood bay Dadku ahaayeen, tii sare way iska adeegneysaa, tii dhexe iyo tii u hooseysayna Shanta ayay Dhabanku haysaa. Markii doollarku qaaliga ahaa waxa Haafka Sonkorta ah la naga siin jiray $ 14 doollar, imikana wuxuu marayaa $ 17 doollar, Dadku Bakhti buu ku jiraa oo hadda ayuun bay ugu daran tahay.”ayay tidhi.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo Shalay ka soo laabtay Safar uu Maalmihii u dambeeyay ku marayey degmooyinka Gobolka Togdheer, ayaa ka hadlay Sicir bararka Dalka ka jira, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato, “Xukuumaddu waxay tidhi lacagtii (Doollarka) hoos ayaa loo dhigay, laakiin, Raashinkii ayaa la qaaliyeeyay, Sicir bararka miyaa la dhimay, mise, waa la kordhiyey, waxaan leeyahay Sicir bararka hoos ha loo dhigo.”ayuu yidhi.

Sidaa si la mid ah, ayuu Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna doraad ka hadlay isagoo ku sugan Magaalada Boston ee Dalka Maraykanka, ayaa yidhi, “Qofkii haysta $100 wuxuu awal u goyn jiray 4 kiish oo Bariis ah, laakiin, waxaa laga yaabaa Maanta inay 2 kiish u goyso. Sidaa daraadeed, Arrinka Sicir bararka in loo waajaho maaha sida loo wajaho arrimaha kale ee Siyaasadda iyo kolba Guddi baa loo saarayaa, balse, wuxuu u baahanyahay in aad iyo aad loo eego waayo? wuxuu ka mid yahay Aafooyinka Qaran ee Caalamka qabsada ee maalin walba la eego dadka noloshooda halka ay marayso”.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com/Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews