berberatoday.com
Ingiriiska Oo Shaaca Ka Qaaday Xaddiga Dhaqaalaha ay ku bixiyeen Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Iyo Kormeerayaal Ula Socda Qaabka Loo Hirgelinayo
January 29, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Xukuumadda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday xadiga dhaqaalaha ay ku bixiyeen hirgelinta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland, isla markaana kormeerida hanaanka diiwaangelinta dusha kala socdaan.

IngiriiskaJawaabta xukuumada Ingiriiska oo uu bixiyey Mr. James Duddridge, wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda iyo wadamadda Barwaaqo-sooranka ayuu ku sheegay in xukuumadiisu oo kaashanaysa dalka Denmark iyo ururka Midowga Yurub bixiyeen taageerayaan hanaanka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo khubaradii hagi lahayd.

Xildhibaan Stephen Doughty, oo xisbiga Shaqaalaha ugu jira baarlamaanka Ingiriiska, isla markaana si weyn u taageera qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland, oo su’aal la xidhiidha qiimaynta xukuumadu ka sameeyey hirgelinta hanaanka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland iyo taageerada Ingiriisku ku bixiyey, ayuu Mr. Duddridge kaga jawaabay,

“Ingiriiska oo la socdaan dalka Denmark iyo Midowga Yurub waxay bixiyeen dhaqaalaha ku baxaya nidaamka diiwaangelinta indhaha ee cod-bixiyeyaasha iyo khubarada looga baahan yahay, sidii looga hirgelin lahaa Somaliland.

Mr. Duddridge ayaa raaciyey, “Ingiriisku waxuu bixiyey dhaqaale gaadhaya £2.18million. nidaamkan oo bilaabmay 16 bishan, sidii loo qorsheeyey ayuu u socdaa, wakhtigan oo boqol kun qof ka badan la diiwaangeliyey. Ingiriisku waxuu kaloo maalgeliyey kormeerayaal madaxbanaan oo la socda sidii hanaanka diiwaangelinta loogu maamuli lahaa nabadgelyo iyo hufnaan.”

Jawaabta xukuumada Ingiriiska ayaa ka dambaysay ka dib markii dooda baarlamaanka Ingiriisku doraad ka yeeshay siyaasadooda Qaarada Afrika, ay xildhibaano taageera qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ku weydiiyeen.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews