Isbahaysiga Kulmiye Oo Iskugu Jira Xubnihii Xukuumadda Iska Casilay Iyo Xubno Xukuumadda Ka Tirsan oo Goordhawayd Kulan Ku Yeeshay Hargeysa
January 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubno ka tirsan isbahaysiga dimuqraadi doonka kulmiye oo iskugu jira xubnihii iska casilay xukuumadda iyo hadhaagii isbahaysiga ee ku jiray xukuumadda ayaa goordhawayd kulan hoose oo aan warbaahinta loo ogolayn ku yeeshay hotelka caydiid ee magaaladda hargeysa
xubnaha ayaa sida aanu wararka ku helayno ay kamid yihiin wasiirkii hore ee madaxtooyadda, xildhibaan kijaandhe wasiirka diinta iyo awqaafta, gudoomiyaha haayadda abaabul ka saarka qaranka, madaxii gaadiidka madaxtooyadda iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland
kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaan ilaa hadda la garanayn waxa uu daarmaa iyo doorka xukuumaddu ku leedahay maadaama oo ay kulanka ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda somaliland