berberatoday.com
Maayar Ku Xigeenka Degmada . Lughaya Oo Wasiirada Maaliyada Ku Eedeeyay Xad-gudub Guracan Oo Ay Ku Hayso Degmada Lughaya
January 29, 2016 - Written by Berbera Today

Boorama(Berberatoday.com)-Mayarku xigeenka Degmada Lughaya Mud.Xasan Daahir Dhinbiil Webar ayaa cambaareeyay socdaal Wasiirada Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ku timid dhawaan Degmada Lughaya, Waxana uu Maayar ku xigeenku eedayn dusha uga tuuray Wasiir Samsam isaga oo ku eedeeyay falal uu ku tilmaamay, kalaqaybin, faqooq, iyo ku tumasho dastuur oo ka dhan ah dadka degmada Lughaya.

Mayar ku xigeen Dhimbiil oo shabakada kula soo xidhiidhay khadka taleefanka ayaa yidhi “Waxa shalay ay wasiirada Maaliyada Marwo Samsam keentay deeq raashin ah deegaanada Cabdi Geedi iyo deegaano ka tirsan degmada Lughaya, Raashinkaas ayay Wasirada iyo Mauuliyiin kale oo la socotay si hoose uga qaybiyeen degaano gaar ah oo ay degaan dad ay isku hayb iyo qabiil yihiin, arinaas waxa aa u aragnaa inay tahay mid ay ku kala faquuqday dadkii deeaagkaasi wada deganaa ee walaalaha ahaa, waa mid bar madow ku ah degmada iyo dadka wada dega ee ay abaaraha iyo masiibooyinka kale wada daashadeen,

Ïsaga oo hadalka sii wata waxa uu Maayar ku xigeenku yidhi “Dastuurkii dalkani lahaa waa lagu tumanayaa taasina waxa u daliila markay Wasiirada Maaliyada Marwo Samsam ay shalay timid Cabdi Geedi iyo Ceel-cade oo wax kayar 10km u jira xaranta degmada Lughaya, waxa ay degaanadaas si dastuurka khilaafsan ugu abtirisay inay ka tirsan yihii degmada Daarsalaam. Arintana si adag ayaan u cambaaraynaaa, waxaan u ragnaa gaf iyo ku tumasho dastuur oo madaxdii dalku ay horsed ka tahay, cawaaqib xumana dhalin karta”

Maayar Ku Xigeenka Degmada Lughaya Mud. Xasan Daahir Dhimbiil waxa uu intan daba dhigay “Xuduudaha dalka waxa u qaabilsan Wasaarada Arimaha Gudaha balse waligay ma maqal meel ay Wasaarad Maaliyadu ku kala qaybiso xuduudaha degmooyinka, waxana ceeb ah inay Wassiradu soo ka xaysato Mayarka Hargaysa ka Daahirsalaam iyo masuuliyiin ka socotay degmada Berbera aiyada oo haba yaraatee anaga oo ah Masuuliyiintii degmada Lughaya ee ay raashinka keentayna naga dhuumato”

Mayar ku xigeenka degmada Lughaya Mud.Xasan Dhinbiil ayaa sidoo kale xukuumada ku eedeeyay wax ka qabasho laáanta lixda goobood ee diiwaangalinta ka xidhan oo ka tirsa degmada Lughaya, waxana uu yidhi “Dadka degan lixda goobood ee xaniban waxa laga takooray Somaliland inteeda kale ma garanayo sababta loo takooray dadkaasi ma helin xaqii uu dastuurku siiyay ee ahaa inay wax doortaan, inta taaiikhda Somaliland ahayna doorasho kama dhacin, diwaan galina hadalkeedaba daa, mana fahmin wax ay xukuumadu ka damacsan tahay goobahan ay muwaadiniintu degan yihiin iyo sida ay ugu talinayso”

Mayar ku xigeenka ayaa ugu denbaynii Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay in uu wax ka qabto wax uu ugu yeedhay xadgudyada guracan ee Wasiirada Maaliyadu ku hayso degmada Lughaya, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay xukuumada iyo hayadaha gurmadka inay deeqo gargaar la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu naafeeyeen ee degmada Lughay

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews