berberatoday.com
Faysal Oo Isbahaysiga Kulmiye Ugu Baaqay Inay Ku Biiraan Xsibiga UCID
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, Diiwaangelinta, safarkii ay Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ku tageen Deegano Gobolada Togdheer ka tirsan, waxaanu jawaab adag ka bixiyey qodobadii ka soo baxay Shirkii wada tashiga ee Somaliya kaga hadashay Doorashooyinka oo ay Somaliland ku soo dartay, aragtidiisa ku saabsan nidaamka ay Xukuumaddu ka qaadatay dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan iyo arrimo kale.

1111111111111

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku sugan dalka Finland sidoo kale wuxuu  ka hadlay khilaafka la sheego inuu u dhexeeyo isaga iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, waxaanu sheegay inaanu jirin khilaaf u dhexeeyaa, waxaanu baaq u diray isbahaysigii Kulmiye oo uu ugu baaqay inay Xisbiga UCID ku soo biiraan, waxaanu yidhi  isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Shirkii Somaliya  “Dawladda Somaliya been bay iskugu sheekaynaysaa, Somaliland; Somaliya kama mid aha, Shirkaasna kumay jirin qaybna kamay ahayn, Dawladda Somaliya Adduunka ayey been u sheegaysaa , wax alaale waxa ay na yeelaysaana Dawladda Somaliya ma jirto, Somaliland 25-sanno ayey ahayd  Dawladda, wadata Xeerkeedii, Dhaqankeedii, Dastuurkeedii”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Diiwaangelinta ayaa ku jawaabay “ “Diiwaangelintii si fiican ayey u socotaa, aad iyo aad ayaana u  hamblyeynayaa reer Togdheer iyo dadkii ka shaqeeynayey, Komishankana waan ugu mahadnaqayaa, waxaana leeyahay haddii ILLAAHAY yidhaahdo sidaas wacan ee ay Diiwaangelintu inoogu dhacday ayey Doorashaduna inoogu dhici doontaa, siday u dhacday Diiwaangelintuna waan ku faraxsan ahay”.

Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko  socdaalkii labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye ku tageen deegano ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa yidhi “Labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye si khaldan ayey u socdaan, olole ayey iska bilaabeen, wax alaale waxa micno ah oo ololahoodu sheegayaana ma jirto, meel heblaayo ayaan tagayna iyo meel hiblaayo ayaan maray cid laguma doorto, waxa la isku doortaa maxaad tahay,barnaamijkaagu waa maxay, maxaad soo wadaa, laakiin la iskuma doorto buuq, lacag la dhiibo iyo ii soo baxay, sharciga cid ka weyni ma jirto markaas in sharciga la ilaaliyo weeye, waxaana Komishanka ka codsanayaa inay ka soo saaraan wareegto iyo digniin iyo in aan sidan oo kale Xisbiyadu u dhaqmin.

Anigu 2009-kii tuulo kasta oo Somaliland ku taala waan tagay, si nadiif ah ayaan u tagay, laakiin buuqa ay sameeynayaan maan sameeyn, waxaana u arkaa waxa ay hadda sameeynayaan inay tahay naf la caarid”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID mar aanu weydiinay aragtiisa ku saabsan Xeerka Banaanka ee Golaha Wakiilada horyaala ee muranka dhaliyey ayaa ku jawaabay “Wadanku waxa uu u baahan yahay in la keeno Baanan, Wadan aan Baanan lahayna ma socon karayo, wixii Diinta Islaamku diidayso lama ogola, laakiin waa in Baanan la keena oo Diinta la waafajiyaa, xilkuna waxa uu saaran yahay Barlamaanka iyo Dawladda, haddii aanu dalka baanan lahayna LC lama furan karo, Bayac-mushartar lama sameyn karo, maahana in dalka la curiyaamiyo, Baanan la’aantuna ma fiicna”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa mar uu ka hadlaayey khilaafka la sheegaya inuu u dhexeeyo isaga iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa yidhi “Anigu Jamaal Cali Xuseen iskumaanu dhicin, waana war been abuur ah oo la buunbuuniyey, wax alaale khilaaf ah oo naga dhex jiraa ma jiro”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID mar uu ka hadlaayey isbahaysiga Kulmiye ayaa yidhi “Xisbiga UCID cid walba oo ku soo biiraysa oo aanu u aragno inay wax anagu soo biirinayaan waanu soo dhaweeynaynaa, Ragga Isbahaysiguna waa Rag aanu saaxibo nahay, Xisbiguna wuu u furan yahay, waxaana jecel ahay haddii ALLE yidhaahdo inay noo yimaadaan,Xisbiga UCID cidna mamnuuc kama aha, cid walba uu u furan yahay”

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey safarkiisa iyo socdaal uu ku tagay dalka Mareykanka ayaa yidhi “Safarka aan ku tagay dalka Mareykanka waxa aan soo maray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, warbixin fiicana waan soo siiyey, balamo badana waan soo qaaday, dawladdana haddii ILLAAHAY yidhaahdo waanu wada hadli, bisha afarteedana waxa aanu balansanahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland, qadiyada Somaliland ayaan ku maqnahay,”

Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu baaq u diraayey Shacabka ayaa yidhi “Wadanka Abaar baa ka jirta, abaarta ha loo baxo, oo dalka ha la caawiyo, lacag ha loo ururiyo, hana loo gurmado dhulka ay Abaartu ku  dhacday, dadkana waxa aan leeyahay Diiwaangelinta si fiicana u qaata, waxa aan leeyahay waxay Somaliya leedahay dheg ha u dhigana, maxa yeelay Somaliya, waa dal la hayso oo hogaan aan la hayn, waxa ka dhacayana weynu la soconaa, waanu arkaynaa ciidamada shisheeye ee jooga, nabadeena aynu ilaashano, maantana Somaliland midnimo ayey u baahan tahay, cidii midayn lahayd bay u baahan tahay, ictiraaf bay u baahan tahay, waxaas oo dhana waxaynu ku gaadhi doonaa Doorashada”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews