berberatoday.com
Ma xurmo qaado oo xisbiga dhis xiligaagii ku seegye! Mise xuurto ku hayso oo ku sii xafiiltan kuna xabkayso xarago kaa dhimatee. qalinka A/ fidhinle .UK‏
January 30, 2016 - Written by Berbera Today
Waxaa nasiib daro ah in maanta Somaliland oo rubuc qarni jirtay in Xisbiyadii qaranku noqdaan ” Meherado cid gaar ah u xidhan “waxay aheyd in xisbiyadu noqdaan qaar ka turjumaya xaqiiqda dhabta ah ee Dimuqraadiyada  curdinta ah ee Somaliland ka hana qaaday. Waxay aheyd in ay xisbiyadu fuliyaan balanqaadyadii iyo go’aanadii ay shacabweynaha reer Somaliland ay hore ugu balan qaadeen. Xisbiyada Somaliland waxaa looga baahan yahay oo looga fadhiyaa taabogelinta iyo magacwanaajinta geedi socodka Dimuqraadiyada curdinka ah ee Somaliland ku taamaysay mudada dheer.
Marka la helo cadaalad iyo sinaan ee beeluhu ay qarqarsiga uxidhaan ee ay qarsadaan hadafka cad ee cadaanka ah ee ay la soo ligan yihiin ee xisbiyada dhexdooda ka taagan ee dimuqaraadiyad lagaga dhaqmo xisbiyada dhexdooda ayaa Somaliland la bad-baadin karaa. Marka danta guud la isugu yimaado ee danta gaarka ah meel la iska dhigo ayaa ummaddi qaran noqotaa oo wax lawada qabsataa. Marka xisbiyadu ay shacabku yeeshaan ee laga ilbaxo milge xumida iyo maamuus xumida in mar walba uu guddoomiye dhexda iskaga maro xisbigiisii si uu u midi-roorteeyo una saqiiriyo. Boowe ! bal kawarama  Xisbi qaran oo  baadi sooc taban leh oo ” dacal dambe leh oo dheg-jeex leh ” ma kaasaa   xisbi qaran noqonaaya oo xisbiyahanadiisu ku dhextartami karaan kuna niyad samaan karaan hormoodkiisa, higsigiisa iyo himilooyinkii ay higsanayeen , Waa maya! . Waxaa baal marsan xeerarka xisbi iyo curfiga dimuqraadiyada Somaliland qaadatay in xisbiyada dhexdooda lagaga hugmo oo lagu hadaaqo hadalo iyo hawraaro aan mariibneyn oo aan muc iyo macne badan laheyn. Kuye ‘  “beeshaas ayaa gudoomiyaha leh beeshaasina musharaxa iyo musharax ku xigeenka ayey yeelaneysaa idinkuna waa doorka danbe”.Dooh iyo Doobir Baa laydinka yidhi!
Marka xisbiyadu ay la yimaadaan aragti siyaasadeed oo aan aheyn in xisbiga kursiga lagu fuulo kadibna guri cas iyo gabaahiir lagaga guuro ayaa Somaliland mustaqbal Dimuqraadi ahi u soo ifayaa. Marka taageerayaasha xisbiyadu min faqiir ilaa taajir,mid xil haya iyo mid aan hayn ay iswada registergareeyaan ee ay kaadhka xisbiga wada qaataan ayaa xisbigu  xisbi jira oo qaran noqonayaa. Marka ay xisbiyadu yeeshaan shuruuc adag oo ay ilaaliyaan ayaa khilaafka ragaadiyey  xisbiyada Somaliland uu yaraanayaan. Nasiib daro waxaa lagu xad gudbay xurmadii xisbi lahaa iyo xaqii aayo ka tashiga ee ay taageeroyaasha xisbiyadu lahaayeen. waxaa lagu xadgudbay xurmadii Dimuqraadiyada iyo xuquuqda aas-saasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland oo dhami ay wada lahaayeen.
Dimuqaadiyada Somaliland waxay u baahan tahay Xisbiyo dhisan oo adag oo waari kara. Xisbiyada Somaliland waxay wada noqdeen qaar ka shidaal qaata beelo  muskood iyo miscirirtood, beel-walibana waxay niyada kala socotaa Xisbi gaar ah. Boowe!  Markaynu geedigii lagaga guuraaayey hab beeleedka aynu dooranay una digo roganey habka  xisbiyada badani waxay mujtamaca reer Somaliland u hayd guud wanaagsan oo rajo muujisay laakiin hadana weli xaalku wuu sii beelaysan yahay oo  wuxuu ku danbeeyey “Hada waa markayagii ee na taageera walaalayaal.” Wadaagayaal Marka golaha dhexe ee xisbiyadu aaney noqon gole daneed oo ay weliba dhex-jiifo arami badan iyo utun dhitoobay ee shir gudoonadoodu ku hawlgalaan oo isku doortaan sife cadaalad ah, dhex-dhexaadnimo iyo daacadnimo ah ee ajandeyaashooda laysla falkiyo,laga doodo ee la isku qanciyo ayaa gole dhexena uu gole dhexe noqonayaa soona saari karaa maxsuul mideysan oo waafi ahi xisbiguna Xisbi qaran oo lagu kalsoonaado uu noqon karaa.
 Boowe ! Yaaba u jeedaba dhisme dawladeed iyo mid xisbi qaran toona ee waxaa lagu mashquulay oo lagu walfay dhiilo hilashada, dhal-dhalaalka beenta ah iyo ka sii laacda dhaxalwareejinta hantidii maguuraanka aheyd ee ummaddu wada laheyd, waxaana u sii dheer intaa habqanka, habaqleysiga, hormo-qamaamka iyo dhaqanada isdabo  yaaca ah ee xukuumadan iyo xisbigeeda kulmiye laga dhaxlay oo ay ugu horeyso ” arimada iyo untunta dhex miraneysa xisbiga dhexdiisa oo laba garab u kala jabay”  Afoofinkaas iyo dhiilooyinkaa dadka iyo dalkaba ku habsaday ee laga dhaxlay xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisu waxay mac-mal ka dhigeen oo maaxdumiyeen tacabkii iyo guulihii ay qaranka u soo hooyeen dawaladii xukuumadan ka horeeyey iyo shacabkii reer Somaliland ee iyagu aad udadaalay oo hore isugu tashaday.
Waxaan ku soo garoocayaa maanta : Marka Weynaheenu uu ina waafajiyo wadada wacan ayey Somaliland Somaliland noqonaysaa oo aynu  ictiraaf-buuxa helaysaa. Gobonimo dadkaa mudan Galadana Allaa iska leh!!
Allaa  Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews