.
Hawl-fududeynta aanu ku caawin-doono Ardeyda Somaliland ee jecel in ay wax ka bartaan Jaamacadaha qadiimka ah ee Dalka Federaalka Ruushka waxaa ugu muhiimsan oo aanu ardeyda ku saacidi doonaa qodobadan hoose:
1- in aanu la xidhiidhno ardey walba goobta uu joogo ee uu dalabka waxbarasho ka sameystay
2- in aanu ka caawino ardeyga sidii uu u dooran lahaa Jaamacada uu rabo ee uu fiigeeda awoodo
3- In aanu ka caawino sifaha maadada loo doorto iyo sifaha loo buuxiyo shuruudaha ku xidhan madadaa uu dooratay
4- in aanu ka caawino xujooyinka ( credit points ) lagu galo ama xidho Jamacadaha wanaagsan ee dalka Ruusha ugu caansan.
5- in aanu ka caawino warqada ogolaanshaha waxbarashada sare ee Visaha u fududeynaysa
6- In aanu ka caawino caqabadaha xaga immigration oo uga soo qaadno warqad ah (Vise support letter )
7- In aanu ka caawino sifihii ay u mari lahaayeen baadhis caafimaad oo qeexaysa in aanay qabin xanuunka dilaaga ah ee AIDS.
8- in aanu Visaha waxbarasho uga soo qaadno Safaarada Ruushka ee markaa kuugu dhow goobaha ay joogaan ama markaa uu ardeygu ku sugan yahay.
9- In aanu dhamaan Shahaadaha uu ardaygu sito uga sharciyeyno (legazation ) Safaarada Ruushka iyo Hayadaha kale ee ay khusayso.
10- In aanu markasta dhex dhexaadino hadii ardayga iyo Jaamacadu is afgaran waayaan oo khilaaf meesha yimaado.
11- Hawshan iyo hawl-fududeyntan aanu ardeyda u qabaneyno waxaa naloo siiyey sharci buuxa waxaana noo igmaday dhamaan haydaha ay arintani khuseyso sidaa daraadeed waxaad naga filataan adeeg hufan oo ku qanciya.
Marka uu ardaygu gaadho Dalka Ruushka waxaanu ka caawinaynaa qodobadan:
1- Waxaanu Ardeyga ka soo qaadeynaa Airport ka uu ka soo dego
2- Waxaanu Ardega ka caawinaynaa baadhista caafimaad ee Airporka
2- Waxaanu Ardeyga ka caawinayneyaa Immigration clearance Airporka
3- waxaanu Ardeyga ka caawinaynaa in uu helo Health insurance inta ay waxbarashadu u socoto
4- Waxaanu Ardeyga u raacaynaa oo ka diiwaan gelinaynaa Jaamacadii uu sii dalbaday
5- Waxaanu Ardeyga ka caawinayna sifeyaasha loo bixiyo fiiga Waxbarashada sanad walba
6- Waxaanu Ardeyga ka caawinaynaa sidii uu heli lahaa Student ID card iyo Hostel Card
7- Waxaanu Ardeyga ka caawinaynaa in Bank Account looga furo dalka Ruushka markiiba
8- Waxaanu Ardeyga siindoonaa talooyin buuxa oo joogto ah oo ku saabsan sifeyaasha waxbarashda loogu guuleysto
9- Waxaanu Ardeyga u cusbooneysiineynaa sanad walba Viisaha uu dalka ku joogo markasata oo uu ka dhacoba.
10- Waxaanu Ardeyga Vise ugu dalbaneynaa Waalidkiis hadii uu markaa dalbado in waalidkii booqasho gaaban loogu keeno.
11- Waxaanu gaar ahaan Ardeyda Hablaha ah dejinaynaa goobo u gaar ah oo dumarka loo qoondeeyey.
DIGNIIN: Waxaanu ka soo horgeednaa in Fiiseyaasha aanu anagu fududeyno lagu Tahriibo.
Hadii uu damac kaa hayo amase aad dooneyso in aad Dalka Ruushka waxbarasho u tagto oo aad bilowdo sanadka cusub dhexdiisa ama dhamaadkiisa amase aad u baahataan faah-faahin kale oo dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada Ruushka fadlan la xidhiidha emailadan ama mobiladan iyo magacyadan Hoose ;
Abdi Yusuf Mobile : 44-07950 341 347- UK
Amiira Abdirahman Mobile: 00252 63 443 1112
Email: studyruushka@gmail.com
Email: Studyrassia@gmail.com |