berberatoday.com
Madaxweyne Siilanyo Oo Kulan La Qaatay Culimada Dalka Kuna Baaqay Salaad Roob Doon Ah Oo Dalka Laga Tukado
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

culimadaHargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta kulan  Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii shacbiga loogu baraarujin lahaa inay tukadaan salaada Roobdoonta ee Madaxweynuhu u asteeyey inay dalka guud ahaanba ka qabsoonto ayuu madaxweynuhu ku bilaabay sidan:-

Maadama aynu nahay ummad muslin ah marka uu sidan oo kale Roobku Dib u dhaco Abaartuna Adkaato Raxmadduna raagto waxaa rasuulka suubani CSW uu tukan jiray salaadda roobdoonta, sida awgeed inagoo raacayna Sunnaha Rasuulkeena CSW waxaan farayaa dhammaan ummadda reer Somaliland in ay Alla ka cabsadaan oo ay u toobad keenaan isna saamaxaan kana qayb galaan salaadda roob doonta oo ka dhici doonta dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maalinta isniintaee 1da bisha February 2016ka  kuna Beegan 22ka Bisha Rabiicaltani ee 1437ka Hijriya.Saacaddu marka ay tahay 8:30 Siddeedda subaxnimo, taasi oo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo, salaadda roobdoontu Waa sunnihii nabegeena suuban SCW marka sidan oo kale uu Roobku inagu yaraado ama ay Abaartu adkaato.

Walaalayaal Waxa loo baahanyahay in lagu dadaalo Soonka iyo  Alla ka cabsiga  iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roobdoonta islmarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahanyahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga islamarkaana wanaagga la is faro Xumahana la iska reebo waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga maanta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska warqabka ee jaarka haddii ay tahay qoyskaaga ama qaraabadaada wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd  sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno. Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxriisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews