berberatoday.com
Sharciga La Dagaalanka Argagaxisada Oo Khasab Gadhka Kaga Xiiray 13 Kun Oo Ka Mid Ah Ragga reer Tajikistaan
January 30, 2016 - Written by Berbera Today

Dushambe(Berberatoday.com)-Dowlada Tajikistan ayaa ku dhawaaqday olole ay sheegtay inay kula dagaalameyso kooxaha islaamiga ah ee ku sugan wadankaasi, waxayna xukuumada dalkaasi ka talisaa soo rogtay sharciyo lala yaabay oo ay kamid tahay in gadhka laga xiiro dadka lagu tuhmo xagjirnimada.

Dalkaasi ayey sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayeen kooxo xagjir ah oo la dagaalamaya dowlada militariga ee dalkaasi ka talisa oo uu hogaamiyo Madaxweyne Emomali Rahmon.xiir gadhka

Ciidamada wadankaasi ayaa la sheegay inay todobaadkan gadhka si khasab ah uga xiireen rag gaadhaya 13.000, waxaa sidoo kale sharciga cusub ee la dagaalanka argagaxisada lagu xidhay dukaano badan oo lagu iibiyo dharka asal ahaan kasoo jeeda dalalka Carabta.

Go’aanadan adag ayaa waxaa kasii horeeyey sharci cusub ee bartamihii bishan January looga mamnuucay dalkaasi dhamaan isticmaalka Magacyada CARABIGA ah, waalidiinta ayaa sidoo kale loo sheegay in caruurtooda u bixiyaan magacyada taariikh ahaan la bixi jireen ummadaasi, sharcigaasi oo uu ansixiyey baarlamaanka wadankaasi. Waxaa sidoo kale wadankaasi laga mamnuucay Niqaabka.

Wadanka Tajikistan oo shacabkiisa u badan yihiin Muslimiin ayaa hore uga mid ahaan jiray dalalkii Sofiyeetka wuxuuna xaduud la wadaagaa wadanka Afghanistan.

Dhalinyaro badan oo wadankaasi kasoo jeeda ayaa la sheegay inay ku biireen kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa wadamada Siiriya iyo Ciraaq, waxayna kooxdaasi xiligan xarumo ka sameysatay gudaha dalka Afghanistaan oo xaduuda laleh dalka Tajikistan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews