Sheekh Aadan Sunne Oo Bulshada Uga Digey Astaanta Kiristaanka Oo Meelo Ka mid Ah Hargeysa Lagu Arkay
January 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah shirkadaha sameeya qalabka dhismaha ayaa magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay albaabada guryaha lagu xidho oo uu si cad ugu muujisan yahay Saliibka kiristaanka. sheekh Aadan Sune oo ka mid ah culimada Magaaladda Hargeysa ayaa uga digay bulshada somaliland in ay guryahooda ku xidhaan albaabadan. sidoo kale waxa uu sheegay in ay xaaraan tahay in wax kasta oo astaan u ah dadka kiristaanka ah lagu arko dadka muslimiinta ah dhexdooda. hore ayaa waxa uu sheekh Aadan Sune uu uga hadlay Dhismaha masjid ay magaaladda hargeysa ka hir gelisay hay’ad caalami ah oo daaqadihiisa lagu xidhay wax u eeg saliib. arrintan ayaa ah mid ugub ku ah dhulka Somaliland islamarkaana ay guryahooda iskaga xidhanayaan agabyo kala duwan oo ay ka muuqato astaanta dadka haysta diinta kiristaanka.