Daawo Shaqaale 36-Cisho Ka Dib Iyagoo Nool Laga Soo Saaray Godkii Macdan Ee Ku Dumay Dalka Shiinaha
January 31, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-ka mid ah shaqaalihii Shiinaha ahaa ee Godkii ay Macdanta ka qodayeen la dumay, oo la badbaadiyay, kuwaas oo lix iyo sodon cisho ku hoos jiray burburka godkii macdanta ay ka qodayeen ee ku dumay, waxaana afartan shaqaalaha ah oo indha xidhan si aan iftiinka iyo ilayska qoraxda aanay ugu indho beelin loola cararay cusbitaal lagu baananayo.
Shaqaalahan la badbaadiyay ayaa godkii ay macdanta ka qodayeen ee gobolka Shandong ee dalka Shiinuhu ku dumay, 29, December ee 2015-kii, waxaanay burburka ku hoos jireen muddo lix iyo sodon cisho ah.