berberatoday.com
Hargeysa”Laba Wiil Oo Walaalo Ah Maskaxdana Ka Jiran Oo Gaajo Darteed Bisad U Qashay
January 31, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Laba wiil oo walaalo ah oo dhimirka ka xannuunsanaya ayaa xaafadda state house-ka baahi darteed u qashay bisaddo, labadan wiil oo la kala yidhaahdo Cabdi Muxumed Yuusuf iyo Sayid Muxumed Yuusuf. Isla markaana ay hooyadood miciin u ahayd balse imika xannuun  u jiifta muddo sannad ah ayaa mudadaas hooyadooda xanuunsanay bisado qalanaayay hilibka bisadahana cunaayay.

Sidaa waxa warbaahinta u sheegay dadka jaarka laha wiilashan gaajadda u cunay bisada.

Ugu horren waxa warbaahinta la hadlay Axmed Ayaanle Maxamed oo ka mid ah odayaasha xaafadda State house-ka oo ka warbixinaya sababta keenay inay wiilashan u cunaan bisadaha “Waa laba walaalaha oo alle xuskoodii ka qaaday oo aan cid iyo ciirsi midna lahayn. Hooyadoodba haysay, hooyadoodna way xanuunsatay, labadda nin waxa la kala yidhaahda Cabdi Muxumed Yuusuf iyo Sayd Muxumed Yuusuf.Marka muddo sannad ku dhaw dhaw ayay baahi darteed bisado u qasheen, waxaanu dadka muslimiinta ah ka codsanayna in caawimo degdeg ah lala gaadho labadda walaalaha ah ee alle xuskoodii ka qaaday.” Ayuu yidhi Axmed Ayaanle.

Sidoo kale Ibraahim Taani Bulaale oo ka mid ah odayaasha State House ayaa soo kale warbaahinta xog ka siiyay nololasha walaalahan maskaxda ka xannuunsanaya, waxaanu dadka islaamka ah iyo dawladda ka codsanay in masaakiintan gurmad degdeg ah lala soo gaadho “Nimankaasi alle mooye dad ay leeyihiin ma jirto, marka umadda islaamka ah waxaanu ka codsanayna ama dawladda Somaliland, waxaanu doonayna dadka masaakinta ah in wax loo qabto oo loo gurmaddo.”Ayuu yidhi Ibraahim. Xigasho:Boramanews.

Waa dhacdo murugo leh oo aan ahayn mid kali ku ah xaafadda State House-ka Magaalada Hargeysa iyada oo wariyahayagu Halkaasi shalay ku soo arkay xaalad bani aadamnimo oo aad u liidata oo u baahan in aynu dhammaanteen gacmaha iska qabsano inaga oo aan cidna ku hallaynayn.

Xukuumadda gaar ahaan waxa la gudboon in ay dadkaasi xanuunka qaba si degdeg ah ugu Gurmadaan oo ay gacan u fidiyaan si aanay dhibaatadu faraha uga sii bixin.

 

 

 

Xigasho  Wargeyska Ogaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews