berberatoday.com
Ururka Daryeelka Bulshada Iyo Xayawaanka Ee (SAWS) Oo Soo Saaray Warsaxaafadeed Ay Kaga Soo Horjedaan Eyda Lagu Laynaayo Borame
January 31, 2016 - Written by Berbera Today

UJ: Warsaxaafadeed

Ururka daryeelka Bulshada iyo Xayawaanka ee loo yaqaan SAWS waxa uu Canbaaraynayaa si wayna uga soo Horjeedaa Qorshe Dawlada Hoose ee Degmada Boorama ku doonayaan in ay ku sumeeyaan ayda ku dhaqan magaaldaa,

Ururka SAWS Waxa uu warsaafadeedkan ka soo saaray Xafiiska uu ku leeyahay Magaalada Hargeisa, Kaas oo tilaamaya in dhaqan wanaagsan aanay  ahayn in si Arxandaro ama waxshinimo ah loo xasuuqo xayawaanka dadka la nool sida ayda, iyadoo la adeegsanayo habab qaldan oo aan sharci ahayn sida sumaynta, Ururku waxa uu leeyahay, Arintan waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo caafimaad darro  ah taasoo gaadhi karta Buldhada ku nool Deegaankaas, Sumayntaas oo hore looga soo joogay khataro caafimaad

oo ay keeneen, islamarkaana Ay mannuunayaan xeerarka caalamiga ee daryeelka iyo xuquuqda xayawaanka

Ururka SAWS waxa uu ugu baaqayaa mayorka Boorama iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka in ay joojiyaan qorshaha ay ku xasuuqayaan ayda taas oo ka hor Imanaysa Xuquuqda aasaasiga ah ee xayawaanku leeyihiin (Basic Animal Rights) oo ah in ay noolaadaan wax dhibaato ah ama tacadina aan la gaadhsiin

Waxa Jira siyaabo kale oo loo yareyn karo korodhka taranka ayda  iyadoo aan la sumayn lana layn, ( Dog population Reduction program)

Ururka daryeelka xayawaanka iyo Bulshadu waxa uu ku dhiiri gelinayaa dawladaha hoose ee dalku inay ay sameeyaan shuruuc ilaalisa daryeelka xayawaanka dadka la nool, taasoo waajib diiniya ah in xayawaanka laga ilaaliyi tacadiga iyo in xun loola dhaqmo ( (Cruelty and mistreatment of animals)

Ugu Danbayn Ururku waxa uu Ka codsanayaa Golaha deegaanka ee Boorama in ay Joojiyaan Sumaynata ayda, kana Fikiraan Ximdii Ilaahay u Abuuray, eegaana dhibaatada Suntaasi gaadhsiin karto deeganka sida dadka iyo xoolahabaha,

Ururku waxa uu balan qaadayaa inuu kala shaqayn doono Dawlada hoose ee boorama sidii loo yarayn lahaa khatarta ka imanaysa ayda loogana wacyi gelin lahaa bulshadda,

 

 

Ali. Hassan Hers

Agaasimaha Hayada SAWS

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews