berberatoday.com
Wasiir Cukuse oo Shaqaddii Ka Joojiyey Wariye Ka Hawl Gala Wasaarada Warfaafinta Iyo Wax Sababey
February 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md.Cabdillaahi Daahir Cukuse, ayaa shaqaddii ka joojiyey weriye Xasan Faarax Qamaam oo ka tirsanaa weriyeyaasha wasaaradda warfaafinta, gaar ahaan talefeeshanka qaranka Somaliland.

qa

 

 

 

 

 

Illaa hadda lama ogga sababta rasmiga ah ee weriyahan loogga joojiyey shaqaddiisii balse xidhiidh aanu la samaynay weriye Xasan Faarax Qamaam, ayaa noo caddeeyey in wasiirka warfaafintu uu ka hor istaagay in uu gutto hawlahiisii shaqo, waxaana uu tilmaamay in wasiir Cukuse uu ku ballamiyey ciidamada illaalada wasaaradda Warfaafinta in aanu soo gelin guud ahaanba wasaaraddaas oo ah xarunta uu ku yaallo Tv-ga qaranka Somaliland.

Md.Xasan Faarax Qamaam oo ayaa isaga oo arrimahaas ka hadlaaya waxa kale oo uu sheegay in uu cabasho xooggan uu ka tirsanaayo wasiirka wasaaradda Warfaafinta. “Waa na laga hor istaagay gudashaddii hawlahayaga shaqo, waxaana aanu hadda shaqada ka maqan nahay oo aanana shaqeynin muddo Afar cisho ah, illaa hadda ma garanaayo sababta keentay in shaqada la iga joojiyo, ciidamada amaanka ee wasaaradda Warfaafintuna waxa ay ii sheegeen in aanan geli karin gudaha hore ee wasaaradda oo ah meesha ay ka socoto hawlaha shaqo ee Tv-gu, markii aan sababta weydiiyeyna waxa ay ii sheegeen in wasiir Cukuse uu amar kuu siiyey in aanan kadinka ka soo galin, marka aad iyo ayaan uga cabanaynaa wasiirka, waana tallaabo aanan garanayn sababta uu u sameynaayo illaa hadda.”.Ayuu yidhi Xasan Faarax Qamaam.

Si kastaba ha ahaatee weriyahan oo ka soo jeeda goballada Galbeedka Somaliland, ayaa u muuqda mid uu wasiir Cukuse ku tacadiyayo xuquuqdiisii shaqo iyada oo muddooyinkii dambe lagu eedaynaayey in wasiir Cukuse uu garab saar dhow la samaynaayo sida oo kalena uu xigtaysanaayo shaqaalaha wasaaradda ama weriyeyaasha ka hawl-gala wasaaraddaas ee beel ahaan ay isku hayb yihiin.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews