berberatoday.com
Dadka Deegaanka Laas -Geel oo Mudaaharaad ka Muujiyay Waxyeelada Ay Soo Gaadhsiiysay Warshadda Hargaha Magdisa
February 18, 2016 - Written by Berbera Today

Laas-geel(Berberatoday.com)-Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Dacar-budhuq ee Degmada Laasgeel ee Gobalka maroodijeex , ayaa ka dhigay mudaharaad cabasha ah oo ay kaga soo horjeedaan warshadda hargaha magdida ee JORINOMO GrOUP. dadka ayaa cabashadooda ku muujiyay waxyeelada ay gaadhsiisay dadka iyo deegaanka. dadweynahan ayaa sheegay in wax yeelda ugu balaadhan marka laga tago ta dadka shaqaalaha soo gaadhay ay wal wal fara badan ka muujiyeen biyo la,aanta haysata taas oo ay sababtay Dooxa Caloola oo ay magaaladda biyaha ka cabi jirtay ay imika in mudaha ba aan dooxaa biyo laga doonan suntaa ku soo dareertay awgeed . waxa lake oo ay sheegeen in ay soo badatay wax yeeladda ubadka ku dhasha degmadda oo caafimaadkoodu hagaagsaneyn taas oo loo aaneynayo suntaa ay ku daadisay warshadda shiinaha. dadka ku wax yeeloobay warsahadaa ayaa halkaa ka dalay hadalkoodiina waxa ay ku bilaabeen . “magacaygu waa ibraahin maxamed siciid aniga iyo odaygan iagtaagan oo aabhay ah waxaanu shaqaale ka aheyn warshadan in mudo ah waxyool caafimaadna wey naga soo gaadhay wax xaq iyo xuquuq ah oo aanu ka helayna majirto caafimaadkayaguna waa liitaa. anago oo qudhana maaha ee waxay wax yeeladu ka soo gaadhay dad badan iyo deegaanka aqoona umaanaan la hayn suntaa ,markii aanu ogaanayna maamuladii iskaga denbeeyay waxa ay jawaab nooga dhigi jireen xadhig iyo caga jugleyn maantana” waxaa kale oo halkaa ka hadlay hooyo wiil ay dhashay in badan wax yeeladii sunta uxanuun sanaa oo koomo ku jiray . dadka deegaanka ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in laba qof ay u jiifaan dhakhtaradda mid dhakhtar itooya lagu daweynayo iyo mid dhakhtarka berbera ku jira . waxa kale oo halkaa ka hadlay aqoonyahan Eng-c/rixmaan siciid waxa uuna hadalkiisa ku bilaabay “dadkan markii ugu horeysay ee warshadan halka laga furay waxaa loogu sheegay in ay dadka degan deegaanka in ay faa,iido u tahay oo ay sameyneyso shandadaha maaska ah suunka kabaha iyo in ay dad badan oo deegaanka ah shaqo ka helayaan. waxa kale oo ay deegaanka kaga tagtay godada waa weyn oo lagu shubo sunta khatarta ah ee ay ku magdido hargaha .waxaan baaq u dirayaa madaxweynaha somaliland oo aan leeyahay madaweyne dadkan. waxa ay u baahan yihiin gurmad xaqiiqo raadin ah oo caafimaad oo waxyeeladda deegaan ka ay kaga tagtay baadha iyo wasaaradaha caafimaadka iyo wasaaradda deegaanka in oo halkaa ka soo warbixiya.” ma aha markii ugu horeysay ee dhibaatadda warshadaad dadka deegaanku ay ka hadlaan sanadkii 2014 dabayaaqadiisii ka hadlay oo qoraalo u qaybiyay warbaahinta ka hawl gasha wadanka iyo kuwo caalimiya Gudida lamagac baxday KULAN oo Qurba joog ka soo jeeda beesha halkaa degta, aqoonyahanadaa ayaa waxa ay soo ban dhigeen warbixin ka kooban 43-Qodab oo nuxurkooda xambaarsanaa waxyeeladda suntaa kiimikaad ay dad iyo duunyo gaadhsiineyso. waxaa kaloo halkaa marar badan ka hadlay gud-dan iyo duco. in kastoo ay jiraan shaqsiyaad ka tirsan dawladda oo da, da feynaya dadka waxyeeladu soo gaadhay. ugu danbeyn mar aanu la xidhiidhnay gudoomiyaha laaas-geel mustafe ibraahin cismaan ayaa waxa uu noo sheegay in ay maxkamadda degmada maroodi jeex ay xayiraad saartay ninkii shirkadda hargaha JORINOMO GrOUP uga wakiil ka ahaa. shirkadan ayaa mudo ilaa tobaneeyo sanadood ka shaqeysaneysay deegaan ka imkana waxa ay u guureysay dalka aanu jaarka nahay ee itoobiya.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews