berberatoday.com
Dhalinyaro Hubeysan oo Beesha Madaxweyne Siilaanyo ah oo Isku Urursaday Xeebaha Barri Saaxil iyo Colaad ay Sababi Karo Dekeda Ceelgerde Bye. Maxamed Ibrahim
February 18, 2016 - Written by Berbera Today

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxa is urursi ku jiray dhalinyaro tiro badan oo ka soo jeeda beesha Madaxweyne Siilaanyo,kuwaasi oo ka kala yimid Gobolka Togdheer iyo Xeebaha Barri ee ku teedsan badda sida deegaanadda Shalcow ilaa Xiis,ujeedadda ugu weyn

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxa is urursi ku jiray dhalinyaro tiro badan oo ka soo jeeda beesha Madaxweyne Siilaanyo,kuwaasi oo ka kala yimid Gobolka Togdheer iyo Xeebaha Barri ee ku teedsan badda sida deegaanadda Shalcow ilaa Xiis,ujeedadda ugu weyn ee dhalinyaradaasi loo soo ururiyey ayaa waxay tahay inay xoog ku dhisaan dekeda CEEL GERDE oo wax yar barri ka xigta magaaladda Berbera,waxana la sheegay in hub badan la keenay deegaankaasi,kadib markii beesha Gobolka Saaxil uga digtay beesha ay walaalaha yihiin ee madaxweyne Siilaanyo in aysan ku soo xad gubin dhul aysan lahayn,kadibna odayaasha barriga Burco Hanjabaad hawada u soo mariyeen odayaasha Saaxil in ay xoog ku dhisan doonaan dekedaasi sharci darad ah.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wiilka uu Sodoga u yahay ayaa la sheegay inay beeshooda kula socdaan dhisida dekeda sharci darada ah ee ay doonayaan inay si gaar ah u dhistaan beesha madaxweyne Siilaanyo,arintaasi oo ka cadhaysiisay beesha gobolka Saaxil,keentayna in ay ka biyo deeday dhisida dekedaasi oo ay sheegeen inay tahay kow meel la wada leeyahay,sidoo kalena ay xiligan suurta gal ahayn in meel aad ugu dhaw dekeda weyn ee Berbera laga dhiso deked macmal ah,taasi oo lagala soo degi karo wax kasta oo ay doonaan beesha Madaxweyne Siilaanyo hadii aan si deg deg ah loo joojin.

Geesta kale waxa xiisad xoogani ka taagan tahay gobolka Saaxil ,iyadoo shacabka deegaanku diidan yihiin mashruucan sharci darada ah,oo ay u arkaan in uu yahay mid deegaameyn ah,oo la doonayo in lagu deegaameeyo dad aan gobolka u dhalan ee laga keenayo Barriga Gobolka Togdheer,waxaynay arintan sababtay in sidoo kale shirar is daba jooga ah ka socdaan mashruuca deegaameynta ee CEELGERDE iyo sidoo looga hortegi lahaa fidnada beesha Siilaanyo ka wado halkaasi,waxayna wararku sheegayaan in hadii aysan xukuumadda Siilaanyo u joojin dekedaasi macmalka ah ay meeshaasi ka dhici karaan iska hor imaad beeleysan,taasina ay khalkhal gelin doonto nabadgalyada dalka.

Si kastaba ha ahaatee waxa waajib ku ah Madaxweyne Siilaanyo in uusan soo hor boodin beeshiisa ee uu qabto,oo uu ka joojiyo xaq darada iyo deegaameynta ay ka wado Gobolka Saaxil.

Qalinkii:Maxamed Ibrahim

Email:maxamedibrahim5@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews