berberatoday.com
Kooxo Xidhiidh La Leh Argagaxisada Oo Ku Hawlan Dhismaha Dekada Ceel-gardi oo Khatar ku Ah Amniga Somaliland Iyo Buur-madow Oo Difaacey
February 18, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-kooxo Ganacsato ah oo xidhiidh la leh Kooxaha Mayalka adag,ee ka dagaalama Dalkaasi ay Dagaaladu nafeyeen ee yemen, ayaa Mudooyinkii udambeeyey ku hawlanaa Dhismaha Dekadda Sharci-daro ah oo laga Bineynayo Degaanka Ceelgardi ee Duleedka Magaalada Berbera, Dekadaasi oo khatar badan galin karta Amniga Qaranka Somaliland, islamarkaasina ay Kharashka ku baxaya ay Bixinayaa Kooxo Wadaado ah oo ka soo jeeda Degaanka Beesha Bariga Burco, Khaas ahaan Beesha Axmed Faarax ee Maxamed Abokor

buurmadow oo ka hadley

Waxaana Shakhsiyaadka Sida weyn ugu Xidhan Kooxa Mayalka Adag ee ka Dagaalama Dalkaasi Yemen, ka mid ah Mulkiilaha Shirkada Libaan Petroleum  oo lagu magacaabo Faysal oo isagu Shidaalka Kotarabaanka ah ka diri jirey Dekadaasi, islamarkaasina leh Cagafta iyo Qalabka lagaga Shaqeynaayo Dekadaasi Ceelgardi.

Sidoo kale Waxa iyaguna gacan siinaya Shakhsiyaadkaasi Xidhiidhka la leh Kooxaasi mayalka adag ee Xuutiyiinta Dalka yemen, waxaana kamida shakhsiyaadkaasi Boqor Buur-madow oo kamida Waxgaradka Beesha bariga Burco, kaasi oo Dabada ka Riixaya Dagaale sokeeyo oo dalka ka dhaca, islamarkaasina Amniga Qaranka Waxyeelo u geysta, waxaana Xogaha aanu ka helaynaa Degaanka Fog ee Gobolka Saaxil ay shegeen in maalmihii udambeeyey uu Maleshiyo Beleedyo ka soo Jeeda Beesha Bariga Burco uu ku Ururinaayey Degaanka Laasciidle e Bariga Gobolka Saaxil.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Sanadkii udambeeyey Marka uu Berbera Socdaalka ku tago,dabaal iyo Dalxiis u tagayey Goobtaasi Ceelgardi, ee Dekadda ay ka wadaan Kooxaha Argagaxisada Xidhiidhka la leh, ilaa imikana aan ka hadal Dhawaqa iyo Khilaafka ka taagan Dekaddaasi Sharci darada ah ,isagoo indhaha iyo dhagahaba ka Fureystay Dhismaha Dekadda Sharci-darada ah ee Ceelgardi.

 

Dhinaca kale Shacabka ku dhaqan Gobolka Saaxil oo ahaa Dadkii Qaranimada Somaliland ku garbo beelay ayaa Mudooyinkii udambeeyeyba Difaac ugu jirey sidii Dekaddaasi Aragagaxisadu dhisaneysaa aaney qaranka Somaliland Amnigiisa khalkhal u galin lahayn, waxaana dhawaan Dhismahaasi Weerar ku qaaday Ciidamada Argagaxiso la dagaalanka ee Degaanka Gobolka Saaxil, kuwaasi oo Waxyeelo u gaystay qalabkii iyo Agabkii lagaga shaqaynayey Dekadaasi ilaa haatan Diyaar u ah inay Difacaan cid kasta oo Qaranka Amnigiisa Wax u dhimeysa.

 

Omer Jama Osman

Oslo Norway

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews