berberatoday.com
Lughaya”Dablay Weerartay Goob Diwaangelinta Cod-bixiyayaashu Ka Socotay Iyo Booliiska Oo Falkaa Uxidhay Suldaan Ka Mid Ah Madax-dhaqameedka Maroodi-jeex
February 18, 2016 - Written by Berbera Today

Dablayda oo gashay Buuraleyda Waqooyiga Maroodi-jeex + KULMIYE oo Cmbaareeyay iyo Komiishanka oo ka hadlay

Lughaya(Berberatoday.com)-Dablay hubeysan, ayaa Shalay gelinkii dambe Weerar ku qaaday Goob Diwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka socotay oo  ka tirsan tuulada Saba-wanaag oo Komiishanka Doorashooyinka sheegay inay hoos timaaddo Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.

Dableydan oo watay Gaadiid isla-markaana hubeysnaa, ayaa qaatay Qalabkii Dadka lagu Diwaangelinayey ee halkaa yaalay, markaa ka dibna baxsaday, sida uu Komiishanku Xalay ku sheegay Shir-jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen.

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlayey Shirka jaraa’id ee Komishanku arrintan ku faahfaahiyey, ayaa yidhi, “Dabley hubaysan ayaa Gaadiid iyo Hub ku soo Weeraray Goob Diwaangelintu ka socotay oo ah Deegaanka Saba-wanaag oo ka tirsan Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal. Goobta waxay ka qaateen Qalabkii Diwaangelinta, Shaqaalihiina waxyeelo ayay u geysteen, markay Fal-dambiyeedkii fushadeenna gaadiid ay wateen ayay ku baxsadeen, wayna la tageen Qalabkii Diwaangelinta ee lagu shaqeynayey.”

Gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan, oo sii hadlaya, ayaa sheegay in Falkaa ka dib ay Dawladda War-galiyeen isla-markaana Hawl-gal Dawladdu samaysay lagu soo qabtay qayb ka mid ah Dableydaa, intii kalena lagu daba jiro, “Fal-dambiyeedku markuu dhacay waanu la socodsiinay Dawladda, Dawladduna waxbay ka qabatay oo Fal-dambiyeedkan Nimankii geystay waxna way qabatay oo way haysaa, waxna way ku daba jirtaa.”

Sidoo kale, Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo Xalay War-saxaafadeed ka soo saaray Weerarkaa, ayaa Cambaareeyay isla-markaana sheegay inuu ka xun yahay in la carqaladeedyo Habsami u socodka Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha doorashooyinka.

War-saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa u qornaa u sidan, “Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa weerar lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku taal deegaanka Hadayta (Saba-wanaag) oo hoos timaadda degmada Lughaya ee Gobolka Awdal. Weerarkan oo ay gaysteen koox dad abaabulan ahi maanta (Shalay) (17/01/2016), isla markaana hakad galisay habsami-u-socodkii hawsha diiwaangelinta ee goobtaasi, waxa xisbiga KULMIYE u arkaa mid carqalad ku noqonaysa fulinta diiwaangelinta iyo nabadgalyada bulshadaba. Sidoo kale, ficillada fawdada noocani ahi waxay ka horimanayaan dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, sidaasi darteed, waa in xukuumaddu tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo ku lug lahayd weerarkan ka dhanka ah diiwaangelinta ka socotay ee deegaanka Hadayta.”

Dhinaca kale, Warar dheeraad ah oo Wargeyska Himilo Xalay ka helay Dadka Ciidammada Ammaanku u xidheen Weerarka lagu qaaday Goobta Diwaangelintu ka socotay, ayaa sheegaya inuu ku jiro Suldaan Mowliid Cali Ibraahim (Sabbeyse) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Maroodi-jeex.

Waxaana warar kale sheegayaan in qaar ka mid ah dablayda ku eedaysan falkan ay galeen buuraleyda Waqooyiga Magaalada Hargeysa oo qay qalabkii la tageen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews