berberatoday.com
Mayor Cabdishakuur Ciddin Hal Aan Ka Arkay, Hal Aan Ku Arkay Iyo Hal Aan Ka Maqlay.
February 18, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Had iyo jeer dadweynuhu waxay ku dhib mutaan, kadeed iyo kabaraadna ka qabsadaa la kulanka iyo la kalaanka masuuliyiintii ay iyagu soo doorteenabwan-guled

1)   Hal  aan ka arkay.

Maalin maalmaha ka mida ayaan geerida qof aan garanaayay, oo Berbera ku dhintay ka qaybgalay, waxaanu maydkii ku soo aasnay xabaalo la diyaariyay, oo la sii qoday, oo bilaash ah, kuwaas oo dawladda hoose ee Berberi ka shaqaysay, tacab badanna ku bixisay, oo muruq iyo maalba la geliyay. Bedka ay ku fadhiyaanna aad u ballaadhanyahay, waxaan ku farxay sida uu mayor Ciddin xil isaga saaray iyo sida uu ugu guntaday hawl aan hortii loo dhaqaaqin. Dhammaanteen mayti baynu nahay. Maalinbse midkeen baa la aasayaaye haddii uu mayor Cabdishakuur Ciddin qabrigeennii sii sallaxay Ilaahay kiisana ha u siraado. Taasi waa hal aan

ka arkay , waana midhii wax-qabadkiisa oo aan markhaati uga noqday.2)Hal  aan ku arkay.Had iyo jeer dadweynuhu waxay ku dhib mutaan, kadeed iyo kabaraadna ka qabsadaa la kulanka iyo la kalaanka masuuliyiintii ay iyagu soo doorteen, marka ay dan iyo muraad u yeeshaan. Madaxdeenna iyo shicibkeennu sida ay isu arkaan ma fududa. Weliba masuuliyiinteennu caadiyan shicibka wadartiisa ayay u soo joogsadaane waaxidkiisa dheg jalaq uma siiyaan, haddaanu qofkaasi cid weji leh amma waddo kale soo sallaansan, laakiin mayor Cabdishakuur Ciddin dadweynihiise todobaadkiiba waxa uu uga sameeyay maalin khaas ah oo uu dacwaddooda iyo doonistoodaba dhegaysto. Iyada oo aan cidi u dhaxayn. Maalintaa ayay islaan waliba ku soo talo-gashaa, oo ay daweynuhu arjigooda iyo odhaahdoodaba ku boobaan, hafiiskiisana looguma tago ee hool waasac ah oo kuraasi la dhigay oo dhismaha dawladda hoose ee Berbera ku dhex yaalla ayaa si qaabaysan dadka loo fadhiisiyaa, mayorkuna wuu soo qaddimaa oo goor hore ayuu halkaa iska soo xaadiriyaa, sidii hoolka loogu soo kala horreeyay baa la hadalka mayorkana loogu kala horreeyaa, anigoo dadweynahaa ka mida baan mayorka halkaa kula soo kulmay, hawshaana waan ku hambalyaynayaa.

3)Hal  aan ka maqlay.

Qodobka saddexaad ee aan mayor Ciddin ku ammaanaayo, anigu maan joogin balse waa la’iiga warramay, waana sababta aan u idhi hal  aan ka maqlay, maadaama aanan goob-joog u ahayn. Dhacdadan iraalli-gelisay waxay ahayd, Maxamuud Cabdi Ismaaciil waa nin dhallinyaro ah, oo aannu saaxiib dhow nahay, immikana waa agaasimaha hanta-dhawrka dawladda hoose ee gobolka Saaxil. Xilli aan sidaasi u sii fogayn ayuu Maxamuud u kicitimay in uu shaqo u doonto mayor Ciddin, sida caadiga ah Maxamuud waxa uu sii kaxaystay cuqaashii iyo cumaamad-weyntii jufadiisa, wuxu sii qaatay cv-giisii iyo shahaadooyinkiisii waxbarasho, mayor Ciddin markii uu ku qancay aqoontii inanka, odayaashiisiina dhegaystay, wuxu inankii shaqo-doonka ahaa weydiiyay, su’aal cajiib ah, wuxu ku yidhi: ma tukataa? ! , intaanu inankii jawaabinba odayaashii ayaa markeliya ku wada tiraabay ‘’ haa, haa waa salad-sax, masjida iyo guriga waxba ugama dhexeeyaan’’ waana runtood oo Maxamuud haddaan aqaanno, wallaahi waa shakhsi khayr ku sifaysan. Haddaba akhristoow madaxdeennu halkaa miyay wax ka qiimeeyaan, oo qofka ay ummadda xil ugu dhiibayaan miyay sida mayor Ciddin miisaan diineed saaraan? Jawaabta idinka ayaan idiin daayay, qofkuse waxa uu jecelyahay in ay wada shaqeeyaan qof sidiisa ah, tuuggu tuugga ayuu jecelyahay, taqiguna taqiga ayuu jecelyahay. Maahmaah ayaa tidhaahda shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa, wa billaahi tawfiiq.

Qalinkii: abwaan Guuleed Yuusuf Axmed , 4462435

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews