Odayaal Iyo Waxgarad Ka Socda Bariga Burco Oo Shir Uga Furmay Hotel Barwaaqo Ee Berbera+Masuliyiinta Ka Qayb Gashey.
February 18, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Degaanka Bariga Magaalada Burco ayaa Maanta Socdaal ku yimi Magaalada Berbera,kuwaasi oo Shir aan Caadi aheyn uga Furmay Hotel Barwaaqo,
Shirkaasi oo ay ka qayb galeen Masuliyiinta Beesha Bariga Burco ee Xilalka ka haya Magaalada Berbera, waxaana Masuliyiintaasi kamid ahaa Mareeye kuxigeenka Dekadda Berbera Cumar Abokor Jamac,Maamulaha Shirkada Dahabshiil Salebaan C.laahi Cadib,Madaxa Sarrifka ee Shirkadasi Kaysar C.laahi,Maamulaha Shirkada Libaan Petrolium, Xildhibaano katirsan Golaha Wakiilada iyo Degaanada Berbera iyo Burco.