berberatoday.com
Somaliland…..Dal Dawladii Dalka Ka Talinaysay Dadkiisii Iyo Degaankii-ba Qaybisay Iskana Horkeentay…. Berber-na Abaalkeedu Muu ahayn In Goof Ama Xorfad Lagu Sheegaayo Deked Laga Ag Bineeyo.
February 18, 2016 - Written by Berbera Today

Waxa aan canbaaraynayaa dhacda kasta oo lagu jaangooyo xabad iyo iska horimaad hubaysan, ma aha in dad shacab ahi hub qaataan oo ay is-weeraraan. Dhacdadan ceelgerde waxa masuuliyadeeda leh xukuumada dalkan loo igmaday oo u muuqata mid ka seexatay xilkii dawladnimo ee loo doortay, waxa aan sidaa u leeyahay waxa waayeen… Hawlaha iyo Mashaariicda Degaanada dalka laga hirgalinaayo Kuwa ugu muhiimsan Qaranka ayaa masuulka ah, sida Dekedaha, Airports-ka, Wershedaha iyo Wadooyinka muhiim ka ah ee isku xidha Gobolada. Samaynta Dekeda iyo Airport-ku waa in uu noqdaa Qorshe Dawladeed oo jaango’yntiisa leh, ma aha in dad shacab ahi ama Qabaailka degaanku ay majarafado qaataan iyaga oo leh Dekedo iyo Airport ayaanu samaynaynaa. markaa waxay ahayd in Xukuumada dalka talisaa ay ka hortagto sheekada oo tidhaahdo Samaynta Dekedaha iyo wixii la mid ah Dawlada ayaa ku shaqo leh ee faraa kala baxa. haddii dhinca horumarka iyo lexejeclada degaanka laga eegaayo, Su’aashu waxa weeyaan Burco laba Airport ma u baahantay mase qaadi kartaa? Jawaabta oo qayaxani waxay tahay… Maya…. Maya oo Maya maqaadi karto mana u baahna, waayo keedii kaliga ahaa ee shaqayn jiray 1960-kii ayaa maanta Riyuhu u hooydaan. Su’aasha labaad waxa ay tahay Saaxil laba dekadood maqaadi kartaa? iyana jawaabteedu waa…. Maya…..Maya oo Maya. Runtii waxa ay tahay in Qaranka Somaliland la tacaalo dekeda Berbera oo casriyeeyo lana tartansiiyo Dekedaha caalamiga ee ku dhow dhow, sida ta jabouti, ta Muqdisho iyo ta Cadan. Dekeda Berbera oo aan ognahay maanta in Madaxtooyada iyo Ciidamada dalka la masruufo, abaalkeedu muu ahayn in Goof ama xorfad lagu sheegaayo Deked laga ag bineeyo. Dawlada dalka ka talisaa waxa aan ku sifayn karaa Doob Qalanjadii gabay dadkana iyada ayaa iska horkeenaysa, Xukuumadani Dadkii wey qabaysay dalkii iyo degaanadiina waa la kala sheegtay, waana cudur la kowsaday Xukuumadan Siilaanyo. Wabilahi Tawfiiq.

Osman Abdillahi Sool…. Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews