berberatoday.com
Maayarka Baligubadle Iyo Dadweyne Cambaareeay Talaabo Ay Wasaarada Maaliyadu Qaaday –
February 19, 2016 - Written by Berbera Today

Baligubadle(Berberatoday.com)-Golaha deegaanka Baligubadle iyo shacabka ku dhaqan magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd, ayaa cabasho ka muujiyay talaabo ay qaaday wasaaradda maaliyadda Somaliland, taas ay sheegeen in wasaaradda maaliyadu gaadhi jaad oo kastamka Baligubadle lagu cashuuray ay wasaaradu ku amartay in la geeyo kastamka Abaarso si loogu ganaaxo.

1

Dadweynaha oo saxaafadda la hadlay, ayaa waxa ay sheegeen in baabuurkii jaadka ahaa ee soo maray kastamka Baligubadle oo ay sheegeen in lagu cashuuray, lagu qabtay magaalada Hargeysa, iyagoo ku dooday in lagu haysto sababta uu cashuurta ugu soo bixiyay kastamka Baligubadle.

Waxa ay dadkani sheegeen in baabuurkii jaadka ahaa la ganaaxay, taas oo ay ku tilmaameen cadaalad darro ay wasaaradda maaliyadu samaysay.

Maayarka Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac (Gurey), oo isna saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Waxaan leeyahay, kastamka Baligubadle sharci ayaa lagu dhisay, dawladda dhexe ayaana dhistay, waxaana loo dhisay in wax lagu cashuuro, gaadhigii xalay halkan lagu cashuuray inta madaarka laga kaxeeyo in la geeyo Naas abaarso waxaanu u aragnaa tacadi la leeyahay ha xidhmo kastamku, dawladda dhexe hadday leedahay kastamku sharci maaha dee cagaf ha geliso, haddiise uu sharci yahay wixii uu cashuuray in meel kale la geeyo oo jaadkii gubto, waxaanu u aragnaa cadaalad darro.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka tirsan golaha deegaanka Baligubadle, oo sheegay inay dacwad gaadhsiinayaan xarunta madaxtooyada.

 

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews