berberatoday.com
Somaliland: Bulshadda Oo La Daaladhacaysa Duruufo Abaareed Iyo Golayaasha Qaranka Oo Ilaa Hadda Aan Ka Damqan
February 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaybaha Kala duwan ee Bulshadda Ku Dhaqan Deegaanadda Somaliland ayaa mudooyinkan dambe ay la soo darseen duruufo aad u adag oo ay keeneen abaaro baahsan islamarkaana maraya halkii ugu xumayd abid
abaarahan ayay sababeen raxmaadkii eebe oo aan di’in xiliyadii looga bartay waxaanay taasi keentay in dalku galo xaalad cusub oo abaareed taas oo maraysa halkii ugu xumayd islamarkaana maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya iyagoo saamayn balaadhan ku yeeshay mood iyo noolba dalagii ay quudan jireen nooluhu ha u sii badnaadeen xooluhuye

ABAAROxaaladan aadka u qalafsan ee abaareed ayaa gabi ahaanba wada saamaysay deegaanadda kala gadisan ee somaliland inkastoo ilaa hadda aanay qiimayn ku samayn haayadii ku shaqadda lahayd gaar ahaan haayadda kahor taga aafooyinka dabiiciga ah oo qaranka u qaabilsan darsida iyo qiimaynta duruufaha ay keenaan abaaruhu marka ay sidan oo kale dalka uga dhacaan waxaanay haayadani noqotay mid gabi ahaanba shaqadeedii gabtay islamarkaana aan garan ahmiyadda ay qaranka ugu jirto

hadaba marka laga yimaado haayaddan waxa iyana gabi ahaanba shaqadoodii gabay qaybaha kala duwan ee golayaasha qaranka oo iyagu u eg kuwo aan ka damqan bulshadda ay masuuliyadeeda qaadeen waxaanay taas bedelkeeda ka doorbideen inay ku mashquulaan dinwaangalin aan la garanayn macnaha ay qaranka ugu fadhido marka duruufaha noocani dalka la soo darsaan
arinta ugu layaabka badan ee bulshadda la daalaadhacaysa duruufahan abaareed la yaabeen ayaa iyaduna ah hogaanka axsaabta qaranka oo ka hadalka xaaladan ka doorbiday inay ku dul barataan bulshadda duruufta noocani soo wajahday waxaanay siyaasiyiinta axsaabta somaliland u egyihiin kuwo lagu eedayn karo xadgudub bani’aadamnimo maadaama oo ay indhaha ka laliyeen sidii loola tacaali lahaa muwaadiniinta ay codka ka raadsadaan oo iyagu xilligan la daaladhacaya duruufo nololeed oo ay kaw ka tahay abaaraha baahsan ee hadii aan qaranku go’aan degdeg ah ka qaadan sababi kara dhimashadda boqolaal kun oo muwaadiniin reer somaliland ah oo iskugu jira dad iyo xoolo

bulshadda somaliland oo siyaasiinta iyo maamulka dalka ka jiraa u kala googooyay qabaa’ilo ayaa iyagu leh canaanta koobaad maadaama oo ay danahoodii ka doorbideen inay qabiilo ku kala raacaan siyaasiyiinta islamarkaana ay meesha ka saareen la xisaabtankii ay siyaasiinta iyo maamulka dalka ka jira kula xisaabtami lahaayeen shaqadii loo igmaday oo ay gabeen
xukuumadda somaliland ayaan ilaa hadda go’aan cad ka qaadan abaaraha baahsan ee dalka ka jira marka laga reebo waxoogaa deeqo ah oo ay gaadhsiiyeen deegaano kooban oo dalka ka tirsan deeqahaas oo iyaga laftarkoodu siyaasadaysan yihiin

hogaanka axsaabta oo iyagu ka doorbidaya duurafahan jira kursiga u muuqda oo kaliya ayaa ka gabanaya inay ka hadlaan xaqiiqda abaareed ee dalka ka jirta halka ay taas bedelkeedii ka hadlayaan dinwaan galin aan macno ugu fadhiyin bulshadda tabaalaysan ee la daaladhacaysa abaaraha iyo duruufaha nololeed ee ku gadaaman, waxaana xusid mudan inay uga warwareegayaan oo aanay raali ka ahayn hakad iyo dib u dhigis lagu sameeyo dinwaangalinta arintaas oo muujinaysa naxariis darradda ay axmaqnimadda ka muuqata axsaabta mustaqbka dhaw rajadda ka leh inay dalka noocaas ay u galayaan maamulaan waxaase iyaduna xaqiiqa in bulshadda isheeda ay ka arkeen balse hadii bulshaddu tahay mid soo jeeda oo u midaysan danahooda aan lagula soo dhaceen

golayaasha guurtida iyo wakiiladda ee la isku yidhaahdo golayaasha baarlamanka, kana mid ah siyaasiyiinta aynu kor ku soo xusnay islamarkaana iyagu ah xildhibaano ka yimi bulshadda la daaladhacaysa duruufahan ayaan iyaguna ilaa hadda arinkan ka hadal waxaanay taasi muujinaysaa in dalka curdinka ahi qarka u saaranyahay burbur baahsan oo ku yimaadaa maadaama oo ay shaqadoodii gabeen haayadihii iyo golayaashii loo igmaday
hadii aan abaarahan khatarta ah si degdega qaranku uga tashan waxa la sugaaba waa inay qof walba gurigiisa ugu timaado aafadani islamarkaana waxba laga qaban kari waayo marka ay xaaladdu faraha ka baxdo

si kastaba ha ahaatee xukuumadda iyo golayaasha baarlamanka ayaa looga fadhiyaa inay arrimaha si degdega xal uga gaadhaan islamarkaana goboladda dalka u kala diraan guddiyo soo darsa xaaladan  si qiimayn loogu  sameeyo sida ay  deegaanaddu ugu kala saamaynta badanyihiin abaaraha, balse kahor inta aan talaabadan la qaadin waa in fadhiyo degdeg ah ay ka yeeshaan cida ay khusaysaa sidii dib loogu dhigi lahaa dinwaangalinta doorashadda oo iyadu u eg mid bilaabantay wakhti aan munaasib ku ahayn islamarkaana ah mid aan si qoto dheer looga fikirin xilliga ugu haboon ee dalka laga qaban karro taas oo ay daliil u tahay xilliga ay ku soo beegantay

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews