berberatoday.com
Wershedaha Hargaha Hoodhiya ee Somaliland gaar ahaan ( Jorinomo Group) oo suntoodii Saameysay dadkii, duunyadii iyo degaankii ku xeernaa. Qalinkii A/rahman fidhinle UK‏
February 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hayada Caalmiga ah ee loo yaqaano Hayada ilaalinta Degaanka ( Envirinmental Protection Agency) waxay ka dhawaajisey in Sumaha isu tegay ee loo yaqaano Chromium  ku was oo soo sameysma marka la hoodhinayo hargaha ay yihiin sumo dilaa ah oo wax yeeleeya dadka , duunyada iyo dhirtaba hadii aan si cilmiyaysan laysaga  dar yeelin oo aan looga xakameyn  dadka , duunyada iyo Degaankaba ( preventative measures)
 
Suntaa oo ay Sadexda Wershadood ee Hargaha  Somaliland ku sameeyaanba ay ku daadiyaan Degaanka Dacar budhuq iyo degaanka Dara-ra Weyne.Waxaa la cadeeyey in ilaa iyo hada ay suntaasi dishey ilaa iyo 20 qof qaar badanina ay u ildaran yihiin suntaasi waxyeeladii ay gaadhsiisey dadka degaankaasi ku nool iyo duunyadoodiiba.  Waxay Suntaasi qaadsiin kartaa bini’aadanka  xanuunda soo socda: Kansarka maqaarka ,kansarka dhiiga,kansarka sambabada, Leukemia,kelyo xanuun , indho xanuun, Allergies, dumarka oo dhiciya ama dhala ilmo silan iyo marinka neefsashada oo ay ku dhacaan xanuuno badan oo kala duwan.
 
Suntaasi maadaama aan qalabkii loogu talo galay loo gashan waxay jidhka dadka u gashaa siyaabo kala duwan oo fudud sida: adiga oo neefsada hawada ay ku jirto, ama caba dareere ay suntu ku jirto, adiga oo isticmaala  biyo ay hore u sumeysay oo cunto ku karsada ama dhar ku maydha biyo suntaasi ku jirto ama adiga oo taabta suntaa qudheeda ama cuna cunto ay saameysay.
 
Waxaa kale oo isla suntani dhashaa sun kale oo layidhaa Arsenic suntani waa sunta lagu sumeeyo jiirka waana  sun dilaa ah oo sababta dhimasho hadii aan la iska basrinin. waxaana ay suntani dadka u keentaa Kansarka maqaara iyo kansarka sambabada.waxaa kale oo Sunta Hoodhinta hargaha ka dhalata sun iyadana  la yidhaahdo Cyadine oo iyaduna ah sun khatar ku ah dadka iyo duunyadaba hadii aan iyana la iska xakameyn oo aan la iska ilaalin.
 
Hadaba Hayada Caalamiga ah ee ilaalisa degaanka dabiiciga ah ee aduunka waxay dhawaan ka dhawaajisey in Shaqaalaha ka shaqeeya wershadaha midginta ama hoodhiya hargaha ay 50% qaadaan iyaga qudhoodu xanuunada aynu kor ku soo sheegnay. Taas oo keentey in dhamaan laga mamnuuco waqti hore in haba yaraa tee aan laga dhisin wershado hargood wadamada hore u marey sida Western Yurub iyo North America  waxaa kale oo ay hayadu soo saartey in wadamada aduunka sedexaad ee weli sii isticmaala Wershedaha hargaha hoodhiya in la geliyo Liiska loo yaqaa. ( Dirty Thirty) hadii ay suntaa ka  illaalin waayaan dadka, duunyada iyo  degaankaana ku xeeran intaba iyo hadii aanay ay la iman qorshe casriyeysan oo la iskaga xakameynaayo Suntaa dilaaga ah.
 
Hadaba Sidee dadka Degaanka degani ay uga bad baadi karaan Suntaa dilaaga ah?
 
1)      Waxaa ay uga bad baadi karaa iyagaa oo ka fogaada aga- gaarkaa  Wershada ee ay  suntaa urteeda ka dareemayaan.
2)      Waa in ay ka fogaa daan aga-gaarka biyaha sumoobay. waa in ay ka fogaadaan agagaarka sunta lagu aaso.
3)      Waa in ay ka illaaliyaan in xoolahoodu cabaan biyaha Sumoobay ee u dhaw- dhaw meelaha Suntu gaadhey.
4)      Waa in ay ka ilaa liyaan xoolahoodu in ay daaqaan aragaarka wershada iyo meelaha sunta lagu aaso ama wershada agagaarkeedaba.
5)      Waa in ay xoolahooda ka ilaa liyaan biyaha ka soo rogmada meela suntaasi saameysey ama gaadhey.
     6-)  Waa in ay hadii ay weshada tegayaan weydiistaa Gas maska oo ay afka iyo sanka iskaga xidhaan si aaney suntaasi sanka uga gelin oo jidhkooda u gelin.
 
Sidee Shaqaalaha Wershada Hoodhinta ama Midginta Harguhu uga bad baadayaan Sunta dilaaga ah ee la yidhaahdo  Chromium iyo sumaha kale ka sii dhasha sida Arsenic,cyanide, polchlorinated bibhenyls.
 
1- Waa in ay xidhaan Gas mask si aaney u neefsanin oo sanka uga qaadan marka ay shaqada ku jiraan
2- Waa in ay xidhaan dhar adag iyo kabo adag oo ka illaaliya in aaney suntu jidhkooda taabanin.
3- Waa in aaney cunto ku cunin agagaarka suntu ka dhaw dahay
4- Waa in ay si deg deg ah isaga meydhaan hadii ay jidhkooda taa bato Suntu iyaga oo isticmaalaya dawada la iskaga meydho iyo  saabuun.
5- Waa in ay si deg deg ula xidhiidhaan Dhakhtar hadii ay isku arkaan calaamado jidhkooda ku cusub sida sanka oo milila  oo hoosta ka gubta, maqaarka jidhka oo isna milila oo casaada iyo hadii ay isku arkaan kelyo xanuun iyo qufac fara badan.
 
 Talo ku socota mulkiilayaasha Wershadaha Hargaha Hoodhiya :
1)   Waxaa mulkiilayaasha Wershedahaa hargaha hoodhiya gaar ahaan Mulkiilaha JORINOMO GROUP ee isagu leh Wersheda Dacarbudhuq looga fadhiyaa in ay Suntaa ay sababteeda leeyihiin ee dhimashada badan sababtey in ay dadka ,duunyada iyo degaankaba ka xaka meeyaan oo ka basriyaan.
2)   Waa in ay suntaa u sameeyaan meelo u gaar ah oo aan dadka iyo xooluhuba gaadhi akrin
3)  Waa in ay wacyi geliyaan dadka deegaanka degan oo dhan iyo Shaqaalahoodaba.
4)   Waa in ay ku sameeyaan Calaamado sheegaya khatarta Sunta meelaha ay ku kaydiyaan ama ay ku aasayaan Suntaa dilaaga ah.
5)  Waa in sanadkiiba 4 jeer ay qiyaasaan saameynta iyo khatarta Sunta inta ay waxyeelo dadka duunyada iyo degaanka gaadhsiisey si ay ula socdaan in khatartii iyo saameyntiiSuntaasi ay yaraatey iyo in ay  badatey.
6) Waa in ay raadsadaan khabiiro kala taliya sidii suntaa loo xakameyn lahaa ee looga badbaadin lahaa dadka, duunyada  iyo Degaankaba.
7) Waa in ay xaq buuxa siiyaan dhamaan dadkii iyo duunyadii ay wax yeeladu ka soo gaadhaya Suntaa dilaaga ah.
Talo ku socta Hayada Somaliland u qaabilsan Badbaadinta degaanka:( Wasaarada Horumrinta reer miyiga iyo ilaalinta Degaanka)
 
1) Waxaa looga fadhiyaa Wasaaradan in ay la timaado polisigii (policy) iyo habkii ( control system ay ku xakameyn laheyd Suntan sababtey dhimashada badan iyo  dhaawaca ay dad badani weli u jiifaan dhibaatadii ay suntaasi gaadhsiisey. Gaar ahaan Sunta xadhkaha goosatay ee JORINOMO GROUP ee wershada Dacarbudhuq ee  sunteedu saameysay dad,duunyo iyo degaankiiba.
 
2) – Waxaa ay Wasaaradaasi u baahantahay in ay talo iyo khubaro weydiisato Hayada  UNta u qaabilsan  xakameynta iyo maareynta Sumaha wax yeeleeya dadka,duunyada iyo degaanka Hayadaa oo loo soo gaabiyo UNEP ( United Nations Environmental Programmes) Waxa ay hayadani ka caawindoontaa Wasaarada afar (4) qodob oo kala ah 1- sidii cilmi baadhis buuxda loogu sameyn lahaa khatarta Sunta iyo saameynta degaan. 2- Sidii  Sunta loogu sameyn la haa Control system ama habkii loo kantarooli lahaa ee loo xakameyn lahaa 3- Qalabkii lagu cantarooli lahaa. 4- Sidii dadka degaanka iyo shaqaalaha ka shaqeeya wershadahaa loo wacyi gelin lahaa oo looga Badbaadin lahaa suntaa dilaaga ah saameynteeda taban.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews