berberatoday.com
Madaxwaynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddi Heer Qaran Ah Oo Ka Hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.
February 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

madaxweyne siilanyo

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta ayaa u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah Guddoomiye
2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
3. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia
4. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
5. Wakiilka Wareega ee Somaliland Mudane, Raabi Axmed Mohamed
6. Wakiilka Somaliland ee Turkiga Mudane, Cali Axmed Cismaan
7. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Marwo, Edna Aadan Ismaaciil
8. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Prof. Maxamed Siciid Gees
9. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
12. Professor, Macalester College, Minnesota Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
13. Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax
14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
15. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida Mudane, Axmed Daahir Jirde
17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
18. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Aqoonyahan C/raxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews