berberatoday.com
Maxkamadda Oo Xayiraad Saartay Wershada Hargaha Iyo Saamaha Ee Degmada Dacar-budhuq
February 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda rafcaanka gobalka Maroodi-jeex ayaa xayirtay wershada Hargaha iyo saamaha ee ku taala degmada Dacar-budhuq, ka dib markii ay cabasho ka muujiyeen shacabka deegaanka oo  sheegay inay ku waxyeeloobeen hadhaaga suntan wershadaas. Wershadaas ayaa waxa iska leh niman u dhashay dalka Shiinaha.

1

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in maxkamadda rafcaanka gobalka Maroodi-jeex xayiraad saartay wershadaas, iyadoo sidoo kale aanay dadka iska lihi dalka dibadda uga bixi karin.

Xayiraadan, ayaa timid ka dib markii uu xafiiska garyaqaanka guud ee qaranku dacwad ku oogay wershadaas oo ay dadweynaha deegaanka Dacar-budhuq ku eedeeyeen inay waxyeelaysay caafimaadka dadka, deegaanka iyo duunyada ee deegaankaas.

Dadweynaha ayaa ku eedeeyay wershadaas in hadhaagii suntu ay waxyeelo ba’an gaadhsiisay shacabka, iyadoo la aaminsanyahay in suntan sabab u tahay dhibaaatooyin badan oo caafimaad darro oo soo gaadhay bulshada deeganadaas.

Dad badan oo wershadaas ka shaqaynayay oo ku nool deegaankaas, ayaa lagu arkay caafimad darro, waxaanay dadweynaha degmadaasi in badan xukuumadda Somaliland ka codsadeen inay wax ka qabato wershadaas oo dhibaato ku haysay dadka deegaankaas. Hase yeeshe ugu dambayn maxkamadda rafcaanka ee Somaliland ayaa xayiraad saartay wershadaas, waxaanay dadka deegaanku qalbi furan ku soo dhaweeyeen xayiraadan la saaray wershadaas.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews