Boobe Yuusuf Ducaale Oo Soo Dhaweeyay Gudida Ictiraaf Raadinta Ee Madaxwaynaha Somaliland Ku Daray
February 21, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan gudida ictiraaf raadinta Somaliland ee lagu daray,taas oo uu soo dhaweeyay,waxaana uu carab dhabay inaanu garanayn halka laga raadinayo ictiraafka.

Boobe ayaa sidoo kale sheegay inaanu madaxwaynaha Somaliland xidhiidh lasoo samayn isaga iyo hogaanka xisbiga waddani si loogala tashada inuu qayb ka noqonayo gudidan,balse waxa uu tilmaamay inaanu waxba kala hagranayn,lana qaban doono wixii karaankiisa.