berberatoday.com
Hargeysa Oo Lagu Qabtay Munaasibad lagu soo bandhigay Buug Laga Qorey Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali
February 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay  ayaa habeenimadii xalay ahayd ka qabsoontay hotel grean plaza ee magaalada hargaisa.

Munaasibadan oo lagu soo bandhigayay buug taariikhiya oo laga qoray wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan,  ayaa waxaa ka qayb qaatay isna markaasina lagu soo ururiyay fikiro togan iyo kuwa taban oo ay Xirsi cali ka yidhaahdeen masuuliyiin siyaasiyiin gudoomiyeyaasha xisbiyada qaranka culimaa’udiinka dhalinyarada iyo haweenka reer somaliland, masuuliyiintii wax ka yidhi aragtida ay ka qabaan wasiirkii hore ee madaxtooyada xirsi cali ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee somaliland C/raxmaan maxamed cabdilaahi Ciro, iyo Eng faysal cali waraabe abwaano uu ka mid ahaa abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Haadraawi, shiikh Ibraahin Sh Cali jawhar, xaaji cabdi waraabe gudoomiyeyaasha jaamacadaha somaliland iyo haldoor kale oo tiro badan.

munaasibadan ayaa waxaa  ugu horeyn ka hadlay qoraaga buuqan  Dr Cabdiqani Xaamud Cawaale oo ka sheekeeyay firkirka ku dhaliyay inuu buugan qoro ujeedada ku duugan iyo weliba waxa uu xanbaarsanyahay “ Horta anigu weligay ismaanu arag wasiir xirsi waqtiguu xilka hayay iyo weliba hada oo uu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu magaca weyn somaliland, waxaa aragtidiisa iigu horaysay maalintii aan hoolkan (Green Plaza) su’aasha ku weydiiyay een idhi hadaan buug kaa qoro ma kasoo qayb galaysaa, waxaana buugan igu dhaliyay inaan ka qoro, waqti waqtiyada ka mida waxaan tegey ceerigaabo anigoo hayad u shaqaynaya waxaanu joomitirinaynay wado aanu doonaynay halkaa inaanu ka hirgalino  dadkii baa nagu soo ururay waxay dheheen maxaad qabanaysaan waxaanu nidhi wadadan ayaanu dhisaynaa  dadkii waxay noogu jawaabeen oo ma xirsi baad is mooday, kadaalik boorame ayaan tegey sidii si le’eg  anigu xirsigan dadku hadal hayaan ma maayarka ceerigaabo ayaan is idhi hadana boramena markay sidii igaga dhacday runtii saamayn buu iga yeeshay halkaas baan bilaabay inaan ninkan waxa ka ogaado”  dr cabdiqani xaamud waxaa uu intaasi ku daray “ waxaan dhib badan kala kulmay sadexdii sano iyo badhkii aan buugan qorayay sidii aan ku heli lahaa masuuliyiintan miisaanka weyn ee gudoomiyeyaasha iyo madaxweyne riyaale ka mid ayahay run ahaan waqti badan ayay igu qaadatay inaan hawshaas fuliyo alaxamdulilaah waan ku guulaystay, isna wuu aqbaly wuuna igala soo qayb galay”.
waxaa kale oo iyana munaasibadan ka hadlay qaar ka mida ashkhaastii haldoorka ahayd ee buugan aragtidooda wax kaga yidhi wasiirkii hore ee madatooyadii xirsi  C/kariin maxamed Moogo oo halkaasi ka hadlay aya ku dheeraaday intii ay soo wada shaqaynayeen Xirsi iyo waxa uu ka yaqaanay “ xirsi waxaanu is baranay waqtigii uu iska casilay komishanka qaranka xirsi waqtigaas ilaa hada waxaanu ahayn saaxiibtinimo aad u qaaliya intaan buugan kaga qoray ayaan ka aaminsanahay iyo in kabadanba xirsi dadkii ugu sharafta badnaa dalkan ayaa wax ka qoray  ehlu caqligii umadan iyo hogaankii umadan ayuu qof waliba wax ka yidhi, waan ku hanbalyaynayaa xirsi waxaan leeyahay hadii madax ilaahay kaa dhigo  ilaahay hakugu garab galo mustaqbalka ha nagu noqon xirsi kale ee ahow kaa aanu sheegnay” ayuu yidhi C/kariin axmed mooge.
sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka hadlay xubno ka tisan culimada somaliland, dhalinyarada siyaasiyiinta gudoomiyeyaasha jaamacada abwaax laabsalaax iyo marti sharaf kale, xildhibaan mubaarig yuusuf Xildhibaan Bidhi oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa aku dheeraaday kartidii iyo wax qabadkii muuqatay ee uu muujiyay intii uu xilka hayay Xirsi cali xaaji xasan  waxaana uu sheegay in xirsi nasiib u yeeshay in laga qoro buug aan hore noociisa loo arag.

ugu danbayn waxaa munaasibadaasi ka hadlay wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland xirsi cali oo ah shakhsiga buugan laga qoray, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay kuna qanacsanyahay ax walba oo ay dadkiisu ka qoraan “hore ayaan qoraaga ugu sheegay maalintii hoolkan su’aalaha laygu waydiinayay ee uu iyidhi hadaan buug wanaagaaga iyo xumantaadaba ka hadalaya kaa qoro ma kasoo qayb galaysaa maalintaas waxaan idhi haa wax walba oo dadkaygu iga yidhaahdaana waan ku qanacsanahay hadana tii baan ku celinayaayoo waan ku qanacsanahay, ilaahay waxaan ka baryayaa wixii wanaag ahaa ee  aanu galnay intaanu xilka haynay inuu nagu abaal mariyo wixii xumaana ahaana hadii ay jiraan inuu naga cafiyo anana aanu saxno insha alah, waad mahadsantihiin farxad ayay ii tahay in intaas oo qof ee hoolka buux dhaafiyay badhna taaganyihiin ay munaasibadan ka soo qayb galaan waad mahadsantihiin”

 

https://www.youtube.com/watch?v=5zxwxJkOR0w

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews