berberatoday.com
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa ay Dhalan Rogtay Saxaafaddii, Wargeyska (Faaruq-Foore) na waxa uu Qaabilsan yahay Cayda iyo Ceebeynta Murrashax Jamaal Cali Xuseen!!!
February 21, 2016 - Written by Berbera Today

Xukuumadda tallada haysaa waxaay Warbaahintii ay rabbeysatay ka dhigtay kuwo iyada u adeegga oo lagu aflagaadeeyo madaxda Xisbiyadda Qaranka, kuwaasoo la kala qaabilsiiyey midba shaqsi, Tusaale ahaan, akhriste Wargeyska Beenta iyo Cayda Murrashax Jamaal Cali Xuseen caadeystay ee lagu magacaabo Faaruq( Foore) waxa isaga lagu masruufa cayda iyo ceebeyta Jamaal Cali Xuseen,Hab-dhaqanka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kusoo kordhisay mudadii 6-da Sanno ahayd ee ay dalka xukuumeysay waxa kamid ah inay dhalan rogtay Saxaafadii Somaliland ee karaamada lahayd, kuwaasoo ay u isticmaashay dhaqan ka duwan kii saxda ahaa. Tusaale ahaan, waxa ay markii hore dagaal adag ku qaaday cid kasta oo si xor ah wax u gudbisa, waxanay muddo sannaad ka yar Xabsi dhigtay kuu dhowaad 200 oo Suxufi, iyadoo sannaadkii labaadna ku dartay inay Xabsiga dhigto in ka badan 300 oo Wariye.

Halka sannaadkii Saddexaadna ay usoo gudubtay inay Xayiraado kusoo rogto Hay’addo Warbaahineed, oo uu weli barbar socdo xadhiga Saxafiyiinta. Sidoo kalena waxa ay sannaadkeedii Afarraad af-gembiday Ururkii u dhaqdhaqaaqi jiray xoriyadda Saxaafadda Somaliland kana difaaci jiray tacadiyada ay xukuumaddu u geysato, kaasoo ay gacanta u gelisay koox ka amar qaata madaxtooyadda, isla markaana sida rammuudka saxaafadda loo adeegsado.

Dhamaan tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadeysay waxa ay ahaayeen kuwo ay ku mashqicineysay Hay’adaha warbaahinta, waxana aakhirkii ay Saxaafadda ka Somaliland ku rabbeysay inay ka dhigto kuwo aan xor ahayn si madaxbaanna wax u baahin, maanta Somaliland kama soo baxo, Wargeys keliya oo si Xor ah usoo gudbiya dhacdooyinka maalin-laha ah ee ka dhaca, sidoo kalena ma jiro Tv keliya oo isna dhacdo musuqmaasuq soo bandhiga, waxa keliya ee hadda si xor u dhow wax usoo tabiyaa waaWarbaahinta Online-ka ah oo keliya, kuwaasoo ay laftooda dagaal caddaan ah ku hayso habeen iyo maalin-ba.

Haddaba, Xukuumadda tallada haysaa waxaay Warbaahintii ay rabbeysatay ka dhigtay kuwo iyada u adeegga oo lagu aflagaadeeyo madaxda Xisbiyadda Qaranka, kuwaasoo la kala qaabilsiiyey midba shaqsi, Tusaale ahaan, akhriste Wargeyska Beenta iyo Cayda Murrashax Jamaal Cali Xuseen caadeystay ee lagu magacaabo Faaruq( Foore) waxa isaga lagu masruufa cayda iyo ceebeyta Jamaal Cali Xuseen, waxana Waraaqaha iyo kharashka ka bixiya madaxtooyadda iyo qaar kamid ah gacan-yarayaashiisa, oo xilal ka hayaa Xukuumadda, kuwaasoo ay kamid yihiin Wasiirka Beeraha Dr Maxamed Aw Daahir iyo sidoo kale, haweenay ku cusub xayn daabka madaxtooyadda oo dhowaan laga dhigay agaasimaha Madaxtooyadda Marwo Khadra Geydh, waxana laba masuul ay isku hayb guud yihiin Wiilasha mihnadooda ka sinneystay ama hunguriga u isticmaalay.

Waxa kaloo, iyana jira warbaahin iyadana loo adeegsado Cayda Xisbiga kale ee waddani, laakin iyaga waxaad moodda in damiirkoodu weli yara nool yahay oo iyagu ma baahiyaan Been caddan ah, sida Wargeyska Faaruq (Foore) oo kale. Sidaa daraadeed bulshada in kastoo ay si fiican u taqaan warbaahinta xorta ah ee la ruumeysto, haddana waxaan u sheegaya in Wargeyska Faaruq(foore) aanay haba yarataee, wakhti iskaga lumin akhriskiisa, sidoo kalena aanay Iibsanba. Waa bilahi Tawfiiq.

Qaasim Abokor Cali

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews