berberatoday.com
Madaxwaynaha Somaliya iyo Wafti oo hogaaminayo oo Gaadhey Dalka Turkiga
February 22, 2016 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga, halkaas oo uu dhawaan ka furmi doono shir lagaga hadlayo aayaha Soomaaliya isla markaana dhaqaale loogu ururinayo doorashooyinka sanadkan 2016.

 

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in uu maalinta Salaasada ah ka furmo magaalada Istanbul, waxaana ka qaybgalaya dalal badan oo kamid ah kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

 

Ilaa hadda waxaa dalka Turkiga u duulay Wefti uu hogaaaminayo Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, iyo Madaxweynaha Jubaland, sidoo kale waxaa laga sugaaya Madaxweynayaasha maamulada kumeel-gaadhka ah ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

 

Waxaana weli mawqifkooda rasmiga ah ee shirkan soo saarin Puntland oo hore uga hortimid go’aankii Dawladda Federaalku ka gaadhtey doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo beesha caalamku taageertey iyada oo aan wadatashi sameyn. madaxweynaha Puntland ayaa weli ku sugan dalka Itoobiya.

 

Dhanka kale, Waxaa dalka Turkiga ka socda shir lagaga hadlayo maalgashiga Soomaaliya iyo doorka Turkiga ee ku aadan horumarka dalka, waxaana shirka ka qeyb galaya ganacsato Soomaali iyo Turki isugu jirta, iyadoo inta uu socda diiradda lagu saari doono dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews