berberatoday.com
Warbixin Cusub Oo Ay Soo Saartay Hay’adda Human Rights Ayaa Dawladda Itoobiya Ku Eedaysay Inay Laynayaan, Jir Dilayaan Boqolaal Oromaa
February 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights watch ayaa laamaha ammaanka ee dawladda Itoobiya ku eedaysay in ay laynayaan, jir dilayaan oo ay xirxirayaan boqolaal dibad baxayaal ah oo ku sugan gobolka Oromada.

human rights watch

Arrimahaas ayaa dhacayay afartii bilood ee u dambeeyay sida ay hay’addu sheegtay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in dawladdu ay iyada oo awood adeegsanaysa ay muquunisay dad si nabad galyo leh u dibad baxaya oo mudaaharaadka bilaabay tan iyo bishii November ee 2015-kii.

Dadkaasi waxay ka soo hor jeedeen qorshe muran dhaliyay oo lagu balaarinayay caasimadda Addis Ababa.

Laakiin dawladdu waa ay beenisay warar kaasi.

Warbixintan waxay laamaha ammaanka oo ay millitarigu ku jiraan ku eedaysay ay si baaxadleh u bartilmaameedsadeen mudaaharaadayaasha Oromada.

Deegaanka Oromada ayaa ah gobolka ugu wayn dalka Itoobiya.

Mudaaharaadka waxaa dhaliyay cabsi laga qabo qorshe hormarineed oo magaalada Addis Ababa ah in uu baro kiciyo beerolay Oromo ah.

Dawladda ayaa markii dambe qorshahaasi dib u dhigtay laakiin waxaa sanadkan 2016-ka sii socda iska hor imaadyada laamaha ammaanka iyo mudaaharaadayaasha.

Warbixintan waxay ka sheekaysay booliis rasaas ku furay dad badan oo dibad baxayaal ah.

Boqolaal kale ayaa la xiray lamana oga meesha ay ku dambeeyeen.

Waxaa la sheegay in la dilay oo rasaas lagu furay mudaaharaadayaal ay qaarkood yihiin 10 jir intii ay socdeen isku dhacyadaasi.

Kuwa la xiray sidoo kale waxaa ku jira arday, saxafiyiin iyo masuuliyiin caan ah oo mucaaradka ka tirsan.

Wasiir ka tirsan dawladda Itoobiya ayaa warbixintaasi ku tilmaamay mid aan dhexdhexaad ahayn ayna qiimayn iyaga u gaar ah ku samaynayaan dibadbaxyadaasi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews