Dr.Taani Oo Kamid Ahaa Hal-gamayaashii UFO,Oo Toronto Kaga Dhawaqey Tageerada Musharax Jamaal Cali Xuseen
February 23, 2016 - Written by Berbera Today
Toronto(Berberatoday.com)-Dr. Taani ayaa xafladdii Xisbiga UCID ee magaaladda Toronto ee dalka Kanada kaga dhawaaqay inuu saddexda murashax ee garoonka ku jira uu ka taageersan yahay mudane Jamaal Cali Xuseen. Dr Taani ayaa sheegay in uu ixtiraam u hayo labadda murashax ee kale ee Muuse
Biixi iyo Cabdiraxmaan Ciro.

Dr Taani oo ka mid ahaa ururkii UFO iyo raggii la xidhxidhay 1982kii ee uu halganku ka bilaabmay, ahaana aqoonyahanka qudha ee ka soo jeedda gobolka Awdal ee ka mid ahaa aqoonyahanadaasi la xidhxidhay 1982kii ayaa badheedh ah uga hadlay xaaladda dalka ka jirta maanta.