Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Oo Hanjabaaddii Xaglo-toosiye Ka Dib, Socod Dhoolatus Ah Ku Maray Waddooyinka Buuhoodle
February 23, 2016 - Written by Berbera Today
Dr. Xaglo-toosiye oo Weli ku sugan Buuhoodle oo u taag waayay Qadiyadda Galaydh iyo Kooxdiisa
Buuhoodle(Berberatoday.com)-Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ku Magacaaban Madaxweynaha Kooxda la baxday Khaatumo oo toddobaadkii hore uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) sheegay inuu Magaalada Buuhoodle ka baxay, ayaa Shalay socod dhoolatus ah ku soo maray Waddooyinka Magaalada Buuhoodle, Sayladda Xoolaha iyo Meheradaha Ganacsiga ku yaalla Magaalada Buuhoodle.
Dr. Galaydh oo ay socodkiisa ku wehelinayeen Xubno ka mid ah Kooxda Khaatumo ee ku sugan Magaalada Buuhoodle, ayaa waxa dibadda ugu soo baxay Dadweyne ka mid ah kuwa ku dhaqan Magaalada Buuhoodle kuwaasi taageero u muujinayey.