berberatoday.com
Musharax Xisbiga UCID oo Soodhaweyn Balaadhan Loogu Sameeyey Toronto+Sawiro
February 23, 2016 - Written by Berbera Today

Toronto(Berberatoday.com)-Xaflad ballaadhan oo lagu maamusayey Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa habeen hore ka dhacday magaalada Toronto ee dalka Canada. Kulankan oo ay soo agaasimeen taageerayaasha Xisbiga Ucid ayaa ahayd mid maamuuskeedi aad u sareeyo, waxana xubnaha Xisbiga Ucid ee ku dhaqan dalka Canada Murrashaxa kusoo dhoweeyen ereyo iyo amaan ka turjumeysaa sida ay u taageersan yihiin.10346185_574395859377477_1847794306670012138_n

Qaar kamid ah masuuliyiinta Xisbiga Ucid ee dalka Canada ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay soo dhoweynta ay u sameeynayaan Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid, waxanay sheegen in maanta la joogo xilligii uu hoggaanka Somaliland u qaban lahaa aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ay ku tilmaameen shaqsi Somaliland u qabto baahi badan. Sidoo kale waxa ay bulshada Somaliland ee ku sugan dalka gudihiisa ay ugu baaqeen inay ka fiirsadan cidda ay maalinta Doorashada u Codeyn doonaan si aanay marka danbe isku canaan, waxanay kula taliyeen in maanta laga gudbay maalintii qabiil wax lagu dooran jiray, hase-yeeshee la joogo xilli ay qofkii dalka dan u ah la dooran lahaa. Waxa kale, oo ay xubnaha Xisbiga Ucid ee reer Toronto Ilahay uga baryeen ummada reer Somaliland ee abaaruhu hayaan inuu kasoo jebiyo, sidoo kalena waxaay Cod dheer ku sheegen in deg-deg loogu gurmado dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyen.12745563_574395949377468_6831399472253468456_n

Geesta kale, Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa isna hadal kooban oo duco u badan halkaas kasoo jeediyey, isagoo bulshada Somaliland ee ku dhaqan qurbaha ku amaanay kaalinta weyn ee ay ku leeyihiin dib-u-dhiska Somaliland, iyo sidoo kale, sida ay xog-ogaalka ugu yihiin xaaladda dalkooda, waxanu uga mahad-celiyey soo dhoweynta ballaadhan ee ay u sameeyen taageerayaashiisa ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada. Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxa kale oo uu bulshada Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan Nabad gelyada iyo wada jirta Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in maanta la joogo xilligii laga gudbi lahaa qabiil, isla markaana Qaranimo loo dhan yahay lagu meel maro.12742564_574395909377472_9172722074747642966_n

Gabo-gabadii munaasibadan ayaa ahayn mid meeqaamkeedu sareeyo, isla markaana laga dheehanayey farxad iyo rayn ay taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Canada ay u qabaan Murashaxooda booqashada kula jooga. Si kastaba ha ahaatee, Jamaal Cali Xuseen ayaa muddooyinkii u danbeeyey safar shaqo ugu baqnaa dal weynaha Maraynkanka , isagoo magaalooyin dalal badan oo kamid ah, kulamo kula soo qaatay Diblumaasiyiin sar-sare iyo sidoo kale, taageeraayaasha Xisbigiisa iyo weliba jaaliyadda somaliland ee ku dhaqan halkaa. Kuwaasoo uu intooda badan kula soo dardaarmay inay mid ka ahaadan Qaranimada Somaliland. Jamaal Cali Xuseen ayaa la filaya inuu dhowaan kusoo laabto Somaliland, iyadoo la filaayo inuu hoggaamin doono wadahallo siyaasadeed oo u socda Xisbigiisa iyo Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye.

Wa bilaahi towfiiq.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews