berberatoday.com
Wasiir Warancadde Oo Ka Hadlay Hagardaamadda Muqdisho, Farriin U Diray Suldaan Iyo Caaqiladda
February 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in la joojiyay caleemo saarkii Suldaanka iyo Caaqilka, isla markaana Golaha Guurtida ka codsatay inay indhaha ku eegan hagardaamadda maamulka Xamar ku hayso Somaliland.

Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa sidaa ka sheegay in mar uu shalay hortagay golaha Guurtida, waxaanu yidhi isagoo arrimaha ka hadlay“Waxaan jecelahay in aan idiin sheego dalku waa nabad, waxa dhibaato ahi oo buuran oo la sheegi kara jiro, marka laga reebo arrimaha yaryar ee iska dhacdhaca ee hawl-maalmeedka ah. Waxa kaliye ee aynu maanta (shalay) aynu hayna ee kaliya waxa weeye abaaraha oo aynu ilaahay ka baryayno inuu inaga soo furto, waxaanan golaha guurtida ka codsanay inay aad ula socdaan hagardaamadda inagaga socota maamulka Xamar oo inagu waxaynu ilaahay ka baryaynaa inuu nabad siiyo, inay dawladnimo helaan xaq ah si ay foodada iyo colaada uga baxaan iyaguse waxaad mooda inay sharka inala jecel yihiin, inaguse waxaynu la jecelnahay khayrka.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in qofka aan haysan kaadhka dhalashadda ay ku adkaan doono shaqooyin inuu ka helo dalka “Waad la socotaanu wasaaraddu waxay hirgelisay nidaamka in qofka Somalilanderka ahi sumad yeesho  oo  ID Card la siiyo, arrintaasi waxay noqon doonta arrin saamaysa dhammaan nolosha bulshadda, waxay noqon doonta mid ku xidhan adeegyadda loo qabanayo bulshadda, qof aan lahayn taysarro dhalasho, adeega bulshadda si uu u helaa way adkaan doonta

Dhinaca kale, Wasiir warancadde wuxuu sheegay in ay ka wasaarad ahaan ku hawlan yihiin qorshe lagu horrumarinayo in si habaysan loo qaabeeyo ciidamadda ilaaladda wadooyinka iyo suldaanka iyo caaqilka “Digreeto wasiir baan ka soo saaray in aan suldaan dambe iyo caaqil dambe oo la caleemo saaraya aanu jirin, haddaanu ahayn mid abtirsanaya oo aabihii uga dhintay ama awoowgii uga dhintay ahayn in aan la ogolaanin.”Ayuu yidhi Waran cadde waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “ Imika waxaanu qornay ciidan dhalinyaro ah oo aanu u tababarayno sidii ay ula dhaqmi lahayeen gaadiidka faraha badan ee jidadka buuxiyay, qalab baanu u soo wadnaa, dadka meelaha xun dhigta baabuurkiisa bahal qab ah oo aanu ku xidhi doono ayaanu soo wadnaa.”ayuu yidhi Warancadde

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews