Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Warfaafinta Oo Ku Dhawaaqay In Xisbiyada Mucaaradka Wararkooda Laga Baahin Doono Warbaahinta Dawlada
February 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada somaliland ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqday in warbaahinta dawlada laga Baahin doono wararka iyo barnaamijyada xisbiyada mucaaridka Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa sheegay in Telefishanka qaranka, Radio Hargeysa iyo Wargeyska dawlada laga baahin doono Barnaamijyada Xisbiyada Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba.
“Xisbiyada mucaaridka Saxaafada halkan joogtaa (Warbaahinta Dawlada)way u adeegaysaa haday doonayaan, waa loo adeegayaa oo waa qayb innaga mida,waxaynu nahay dal dimuqraadiya”ayuu yidhi Wasiir warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu carabka ku dhuftay inaan lagu khasbayn warbaahinta dawlada balse hadii ay soo dirtaan loo baahindoono waxanu yidhi“Waxaanu leenahay Xisbiyada mucaaridka ahoow ogaada saxaafada dawlada waxbaad ku leedihiin, waxaad soo dirataana waa lasii daynaa, laakiin la idin kuma khasbayo”