berberatoday.com
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Maanta La Wareegay Xilkii Wasaaradaasi (Sawirro)
February 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Munaasibad balaadhan ayaa saaka lagu qabtay Hoolka xafladaha ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta, munaasibadan oo ay xilka kulak ala wareegayeen Wasiirka Cusub ee Wasaaradaasi iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi, ayaa waxaa ka soo qayab galay Wasiiro, Xidhibaano, Abwaaniin, Fanaaniin, Saxafiyiin,Culimaa’udiin, iyo Dadwene kale.

6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada Munaasibadu Daaran Tahay oo yidhi:-
“ Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin in aad nagala soo qaybgashaan Munaasibadan aanu xilka ugu kala Wareejinayno, Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradan Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuuse), Wasiirka Cusub waanu soo dhaweynaynaa, Wasiirkii horena, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaynaa Mudadii aanu sida fiican u soo wada shaqaynaynay.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil oo iyana halkaa ka hadashay ayaa faahfaahisay miisaanka ay leedahay Wasaarada Warfaafintu waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:-

“waxaan halkan ka sheegayaa maanta, oo aan Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Wacyigalinta iyo Dhaqanka ee cusub aan u sheegayaa, Wasaaradda Warfaafintu in ay tahay Wasaarad Mugweeyn, Wasaarad Xil Balaadhani Saaranyahay, Wasaarad Qaranka u heegan ah Habeen iyo Maalin Dufaaceeda, oo Qalinkeeda ku dufaacaysa, Qawalkeeda ku dufaacaysa iyo baahinteeda”

Intaa kadib waxaa iyaguna halkaa ka hadlay Agaasimaha Tafashinka Qaranka Cabdi Cali Mahadi iyo Agaasimaha Talafayshinka Madaxa Banaan ee Horn Cable TV Farxaan Cali Axmed iyo sidoo kale Agaasimaha Waaxda Ilaacadaha ee Wasaarada Warfaafinta Xasan Maxamed Yuusuf, waxaa kale oo goobtan ka hadlay Suxufiyiin can ah, Fanaaniin iyo Wasiirda Qorshaynta, Cadaalada, Wasiiru Dawlaha Cusub ee Wasaarada Duulista, intuba waxa ay ka marag kaceen Wanaaga iyo Hawal karnimada ay leeyihiin labada Wasiir ee xilka la kala Wareegayaa, waxaanay ugu duceeyeey in Alle ku Asturo Xilalka loo kala Magcaabay, Wasiirka Tamarta ayaa isagu halkaa kaga dhawaaqay Mashuurc Cadceeda lagaga dhalinayo Korato, oo Dawlada Emaaradku ugu Deeqday Wasaarada Warfaafinta iyo Dhawar goobood oo kale.

Intaa kadib waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyey Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Cukuuse waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:-

“ waxaan jecelahay in aan xuso, oo aan qiray in ay tahay halkani, halka Dadka wax looga sheego haday Diin tahay, haday Dhaqan Tahay, haday wadaniyad tahay, haday Waxbarasho kale tahay, dadka ka shaqeeyaana waxay ku shaqeeyaan Caqli oo Xuquuqdoodana ma helaan.”
Intaas kadib waxaa Munaasibadan soo gunaanaday Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Mr Cadaani oo hadal kooban ka jeediyey, waxaanu yidhi:-
“waxaan xooga saarayaa ugu horeeya, dayactirka qalabka ay ay Wasaaradu ku shaqayso ee Riadio-ga iyo Tv-ga, si ay ula jaanqaadan Tignoolajiyada iyo hababka Casiraga ah ee aduunku isticimaalo,”
Waxa kale oo uu Wasiirka Cusub ee Warfaafintu Balanqaaday in Xisbiyada Mucaaridka ah Wararkooda laga baahindoono TV-ga iyo Radio Hargaysa.

 

12345 78911121213141516171819212223242525

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews