berberatoday.com
Munaasibad Ay Xilalka Kula Kala Wareegayeen Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Somaliland Iyo Afhayeenka Cusub(Sawirro)
February 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xaflada Xilwareejinta oo ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Somaliland ayay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan, Maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyada, iyadoo ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin dhawra ayaa si toosa loo gudo galay ujeedadii munaasibada, waxaana halkaasi ka hadlay Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada imikana ah Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah.

 

http://somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2016/02/1810.jpg

“Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)  Waxaana ka mid ahaa hadalada Afhayeenkii hore “ Run ahaantii waxay ii tahay sharaf  maamuus iyo milgo aad u baaxad weyn inaan la shaqeeyo mudo kooban Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo aan dhalinyartan hortiina joogta noqdo horjoogahooda, Xafiiskani waa xafiis aad u muhiima waa wax muhiima oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha JSL  waa barta laga hago xogaha iyo warbixinada iyo wixii wara ee la faafinayo ee la doonayo inay gaadhaan bulsahda waa xafiis leh qiimihiisa iyo muhiimadiisa, waxaa maanta nasiib wanaaga oo ii suurta gashay inaan mudo yar oo kooban isbedel ku samayn karo, waxaa kow ka ah Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada isaga la’aantii suurtogal may noqoteen xafiisku inuu yeesho waxaasoo shaqaale ah maalintaan imi Xafiisku hal qol buu ku jiray, waxaa suurogal noo noqotay anigoo taageero ka helayna iyo tusaale Wasiirka Madaxtoyada in aanu helno xafiisyadaa tirade badan ee maanta ay shaqaaluhu ku shaqaynayaan.

Taasina waxay muujisay qiimaha Saxaafadu u leedahay qaranka ha noqoto baahiyaha gaarkee jira Wasiirka Madaxtooyadu runtii intii aan ahaa afhayeenka mahad aan la koobi  Karin oo aad u baaxad weyn baan ka sheeganayaa isagaana ii suurta geliyey isbedelkaa la taaban karo inaan meesha ka suurtogeliyo, Shaqaalaha markay noqoto waa shaqaalaha ugu howsha badan waana xafiiska ugu hawsha badan marka laga reebo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Wasiirkoo kale 24 saacadood waa dad shaqadooda u diyaara safarada marka la eego waa dadka isku daya talaabo kasta oo Madaxweynaha iyo waftigiisu ay qaadayaanba ay warbaahinta qaranka iyo ta dibadaba u gudbiyaan markaa waxan leeyahay Afhayeen Shamax waxaad haysataa dhalinyaro aqoonyahano ah diyaar u ah inay kula shaqeeyaan fahansan mihnadooda akhlaaq fiican afkooda ka adag midna mid aanu ku xad gudbin keliya waxay u baahan yihiin uun xafiisku baahiyihii uu lahaa indhaha lagu hayo”.

Wasiir Deyr waxa uu u mahad naqay  shaqaalihii dhalinyarada ahaa ee uu lasoo shaqeeyey isagoo sheegay inay u hagar baxeen shaqaaluhu  wuxuuna yidhi” Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhamaan shaqaalihii ila soo shaqeeyey Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada sida qiimaha leh ee ay ila soo shaqeeyeen igu hagar baxeen iyaga la’aantoodna waxba iimay suurtogaleen markaa afhayeen waxaan ku leeyahay dhalinyartaa ku faro adayg u cadaalad soor waxaa weeye magac sharaf iyo maamuus bay leeyihiin milgahaa qarankaanay huwan yihiin waajibaadka uu faraybaanay ku adeegaan qarankay u adeegaan alle haydin karaameeyo waad na karaamayseen”.

“Afhayeenka Cusub mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi, wasiirka wasaarada madaxtooyada, afhayeenkii hore, wasiirka wasaarada cadaalada iyo dhamaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha waaxyaha wasaarada madaxtooyada, dhamaantiin waad salaaman tihiin, marka hore ilaahaybaa mahadle oo maanta igu simay inaan halkan kula wareego shaqada, marlabaad waxa mahadleh madaxweynaha Jamahuuriyadda somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilkan ii magacaabay waxa kale oo mahad leh marwada madaxweynaha, sidoo kale waxaan aad ugu mahad naqayaa wasiirka wasaarada madaxtooyada maxamuud xaashi cabdi oo ah shaqsi kaalin wayn runtii ka qaatay in halkan aan imaado, sidoo kale aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa dhamaan dadkii isoo hambalyeeyey  ee wasiirada iyo dadka kaleba lahaa ee aadka u tirada badnaa.

Xaga shaqada runtii wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga xusayn deyr ayaa ka Hadlay shaqadu waxa ay noqonaysaa markaan u fiirsaday maalmahan baahinta wararka shaqada ay madaxtooyadu u hayso qarankan iyo in mushtamacii ay hogaaminaysay ay gaadho dhinaca kalena uu ka yimaado dareen celintooda iyo sida ay shaqada madaxtooyada ka socota u arkayaan, markaad halkaa ka eegto waa xidhiidhin uun la xidhiidhinayo labada dhinac.

Xafiiskani oo aad iyo aad u muhiima sida uu sheegay xusayn deyr oo ah nin saxaafada aqoon u leh, waa xafiis aad iyo aad u mihiima oo sida xafiiska madaxweynaha iyo  madaxtooyadu muhiim u tahay ayuu xafiiskana qaranka aad muhiim ugu yahay, sidaas awgeed wararkaa la iswaydaarinayo ee dadka iyo waxa ay ku sugan yihiin la ogaanayo iyo sida ay u fikirayaan wax togan iyo wax tabanba, Madaxtooyadana shaqada ay qabanayso loo baahinayo dadweynaha, ayaa qaadaya yaa weel u ah? Waxaa qaadaya warbaahinta.

Warbaahinta waxaan ku talo jiraa in aan sidii  hore aan ula saaxiibo intaa iyo in ka badana aan ula shaqeeyo oo aanu xidhiidh wanaagsan wada yeelano oo aanu iswaydaarsano ixtiraam, si simana aynu ku soo dhawayno, muraadkooda iyo dantooda iyo wararka ay doonayaana ay ka helaan madaxtooyada, si fiicana aanu isku waydaarsano anagana taayada iyo ta madaxtooyada si fiican dadka u gaadhsiiyaan, si ay taasi u suurtowdo ayaan aad iskugu dayi doonaa, waxaan sal noo ahaan doona uun, kolba xeerka saxaafada ee ansaxsan ee miiska yaala ee shaqaynaya, hadii ay waxa cabasha ah ay jiraan, maan maqal waayadan danbe, balse hadii ay wuxuun ay jiraan waxaan isku dayi doonaa inaan saxno, saxaafada waan soo dhaweynayaa iyagana waxaan leeyahay I soo dhaweeya oo ila shaqeeya.

Mar uu ka hadlay Afhayeenka Cusubi Arrimaha Xisbiyada qarankana, waxa uu yidhi inagu waxa aynu nahay dal dimuqraadiya Somaliland oo markiiba waxa aynu qaadanay dimuqraadiyada si fiicana way inoogu socotaa, nidaamka xisbiyada badanbaynu ku dhaqanaa, xisbiyada sadaxda ahi ee tartamayaa waa xalaal waa sharci weeyaan, insha allaahu tacaalaa waxaan jecelahay had iyo goor inay sharaf ku tartamaan, sababta oo ah waxa inaga dhexeeya ayaa qaaliya, waxa inaga dhexeeya qarankii iyo dalkii, waa inaanay meelna inooga bixin hadal naxli ah oo dadka xisbiyada kala taageersan isku diri kara oo madaxa isku galin kara, oo danbaa inaga dhaxaysee si daacada aan u wada dadaalno marwalba.

Muhiimada xafiiskayga, mudane wasiir waan dareemay ahmiyada xafiiskaygu leeyahay intii madaxayga markii hore ku jirtay in ka badanbaa I gashay, inuu aad halbowle u yahay ayaan dareemay waxaan aad ugu faraxsanahay dhalinyar badan oo aan halkan ugu imiday, aad iyo aadbay dhalinyartu uga muuqataa madaxtooyada, waxaa kale oo aan aad iyo aad ugu sii farxay teamka xafiiska afhayeenka ka shaqeeya ayaan iyagana aad ugu farxay dadaalkooda, teankaasi waan u bogay waxaad moodaa markii aan arkay in ay baahnaayeen uun oday hogaamiya, waanan isku dayi doonaa inaanu tayo iyo horumar xafiiska gaadhsiino hadii illaahay yidhaahdo, si shaqada xafiisku sida ugu wanaagsan u guto hawlihiisa shaqo aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin dhamaantiin.

Ugu danbayn waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay ka mid ahaayeen wedhihiisi “Farxad wayn ayey dhamaanteen inoo tahay inaynu maanta halkan ku sii sagootino Afhayeenkii hore ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Xuseen Deyr, oo loo magacabay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga oo Wasaarad wayn ah, isla markaana aynu soo dhawayno Afhayeenka cusub Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo ay xilka isku wareejiyaan munaasibadeenu waa intaa. Waan u mahad naqayaa Deyr Afhayeenkii hore, haddana ah Wasiirka cusub ee Ganacsiga, waxaan illaahay uga baryayaa inuu xilka cusub ku garab galo oo ku kaalmeeyo.

Wasaaradda ganacsigu waa wasaarad aad u miisaan wayn waliba wakhtigan u baahan hogaamiye aqoon yahan ah wakhtigan oo ay Xukuumadu ku mashquul santahay in la diyaariyo heshiisyadii ganacsiga, kuwii Transit-ka, kuwii balaadhinta Dekedeena, Berbera Corridor iyo in Wadadda la sameeyo, si marsadeenu ay u noqoto mid ganacsiga Geeska Afrika qayb wayn  oo hal-bawle ah ka qaadata, sidaa darteed waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u arkay inuu Xuseen Deyr kaalintaa buuxin karro.

Afhayeenka cusub-na waxaan Illaahay uga baryayaa inuu xilka cusub ee loo magacaabay ku garab galo, dadka qaarkood ayaa waxay u haystaan in xilka lagu helo cayda iyo Canjala-jafaynta, waxa laga yaabaa inay khalad ka fahmaan dad Madaxweye Siilaanyo ka soo horjeeday oo xilal waaweyn uu u magacaabay, hoostaan ka calaamadiya, taas macnaheedu maaha Xukuumadani ay tahay mid Budh ku maalka taqaana. Axmed Siilaanyo-na maaha nin Budhku maalka wax ku bixiya hasayeeshee waa hogaamiye balaadhan oo qalbi furan oo bulshadda uu odayga u yahay dhex u ah.

Madaxweynuhu xisbi qudha oday uma ah ee Umadda oo dhan ayuu oday u yahay, waa Madaxweynihii qaranka, hogaamiyaha balaadhan waxa lagu gartaa inuu cafiyi karo cid shaqsiyan iskaga meel kaga dhacay.  Inuu isku wadi karo bulsho kala aragti duwan oo uu kulmin karo, waa astaamaha lagu qiimeeyo, waxa laga yaabaa dhaqanka noocaas ah in dad u fahmay ama u turjuntay, malaa sanadkan cida wax cayda ayuunbaa wax halaysa,! waxaan leeyahay maaha sidaa, laakiin in qofka wanaagsani uu wax heli karo waxa ka markhaati kacaya labadan oday ee halkan fadhiya Deyr iyo Shamax, Siyaasadu abaal gudna way leedahay qiimayna way leedahay.

Wasiirka cusub kaalin muhiima ayuu inoo tagay, waa saaxiibkeen, waan ku hambalyeynayaa shaqadii uu halkan ka qabtay intii uu joogay, waxaan qirayaa in xafiiskani uu kor u kac weyn sameeyey, Shamax-na wax laga doonayaa oo wajib ku ah inuu shaqadda halkaas ka sii wado, qaranku waa aqalkaas la dhisayo oo ninba meel buu ka qaadayaa. Xafiiskani inuu xoog u shaqeeyo ayeynu doonaynaa hore ayeynu uga wada hadalnay, imikana wuu shaqeeyaa. Inuu laba shifti noqdo oo ilaa Tobanka habeenimo uu shaqeeyo ayeynu doonayaa, inaynu shaqada dardar galino oo aynu waraabino warbaahinta ayeynu doonaynaa, halkani waa halkii dalka looga talinayey, inuu warkeedu baahaa waa muhiim, waxa kale oo muhiim ah in dareenadda kala duwan ee bulshaduna ay soo gaadhana waa waajib. Shamaxna inuu hawshaas dhexda u xidho ayaan ka rajnaynayaa.”

 

 

5678911121314151617

 

 

 

Berberatoday.com 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews