berberatoday.com
Nin 43 Sano Ku Jiray Xabsi Ku Yaal Dalka Mareeykanka Oo Dib Xoriyadiisii Uhelay
February 24, 2016 - Written by Berbera Today

AlbertoLouisiana(Berberatoday.com)-Ninkan oo lagu magacaabo Albert Woodfox ayaa manta si xor ah ugu socday Gobolka Louisiana ee dalka Mareeykanka kadib 43 sano cimrigiisa kamid ah oo uu ku qaatay xabsi qol dhexdiisa ah, isagoo aan loo ogoleyn in qolkaasi uu dibada uga baxo.

Ninkan oo kamid ah sedex nin oo loo yaqaano “Angola Three” oo laba kamid ah hore looga sii daayay xabsiga ayaa xirnaa tan iyo sanadku markuu ahaa 1972-dii, ayadoo loo heeystay dil uu u geeystay mid kamid ah ilaalada xabsi ku yaal gobolka Louisana oo kamid ah maamul goboleedyada dalka mareeykanka.

Angola Three ayaa ah sedex nin oo ku xirnaa xabsiga ku yaal gobolka Lousiana ayagoo loo heystay danbiyo la xiriira dilal ay geysteen, waxaana lagu magacaabaa sedexdan nin Herman Wallace, Robert King iyo Albert Woodfox.

Ninkan xabsiga laga daayay ayaa noqonaya maxsuubkii ugu waqtiga dheeraa ee lagu xiro xabsi qol ku yaal dalka Mareeykanka inta la ogyahay taariikhda dalkaasi.

Albert Woodfox ayaa lasii daayay jimcihii aynu kazoo gudubnay, kadib markii la ogaaday inuu si ulakac ah ugeystay dilka mid kamid ah ilaalada xabsiga Angola eek u yaala gobolka Louisana

69-sano jirkaan ayaa inta badan noolashiisa ku qaatay xabsiga rabshada badan ee ku yaalla gobolka Louisiana, isagoo mar uu warbaahinta la hadalayay sheegay in mudadii uu xirnaa xitaa loo diiday in uu ka qeybgalo duugta hooyada oo geeriyootay.

Herman Wallace oo kamid aha saaxiibadiisa Angola Three ayaa sheegay in loo xukumay eedaynta la xiriirta dil ay u geysteen ilaalada xabsiga.

Ugu dambeyntii ninkaan ayaa noqday ninka ugu madada dheer ee nolashiisa ku qaata xabsi taariikhda dalka Mareykanka.

alberto1

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews