berberatoday.com
“Somaliland Marnaba Kama Qeyb Gelayso Shir Qaadhaan Oo Wax Yeelaya Qarannimada Dalka”
February 24, 2016 - Written by Berbera Today
“Somaliland Marnaba Kama Qeyb Gelayso Shir Qaadhaan Oo Wax Yeelaya Qarannimada  Dalka”

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa  qaadacday, isla markaana caddaysay mawqifkeedda ku waajahan  sababta ay  ku diiday in ay ka qayb gasho shir  lagaga  hadlayo mustaqbalka siyaasadda iyo horumarinta Soomaaliya  oo  magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga uga furmay  dawladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedyadda hoos yimaadda.Waxaanay Somaliland sheegtay in  shirkaasi u arkaan mid  waxyeelaya qaranimada   iyo madaxbannaanida Somaliland, isla markaana Somaliland iyo Soomaaliya ay laba dal kala yihiin, shirarka u gaarka ah ee loo qabanayo Soomaaliya-na aanay khusaynin Somaliland.

 

Sidaasina waxa sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (kayse),   oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo ku sugan magaaladda Hargaysa. “Somaliland waxay maraysaa marxaladii horumarinta iyo wax wada qabsiga Soomaaliya-na waxay maraysaa marxaladii abuuridda nabad gelyada oo aan dalkaa ka jirin.  Markaa  Somaliland iyo Soomaaliya isku duruuf ma aha,   shirka  Istanbul-na  wuxuu gaar u yahay Soomaaliya oo wax loogu qabanayaa. Somaliland marnaba kama qayb gelayso shir  qaadhaan oo wax yeelaya qaranimada iyo jiritaanka Somaliland oo loo qabtay Soomaaliya una gaar ah.

Mawqifka  Xukuumadduna wuu cadyahay shirka Stanbul imika ka furmayna wuxuu la mid yahay shirarkii hore Soomaaliya loogu qabtay ee ka dhacay  Brussels  iyo conpenhegn.  Mana  khuseeyo  Somaliland-na way soo dhawaynaysaa in dalkaa aanu jaarka  nahay ee Soomaaliya oo colaado iyo dagaalo ragaadiyeen in wax loo qabto oo kama xumin in uu noqdo dalkaasi mid cagihiisa siku taaga oo nabad noqda”ayuu yidhi wsiir ku xigeenku.

Wasiir Axmedkayse oo aanu waydiinay sababta ay Somaliland shirka Stanbul haddii uu maal gashi yahay ay uga qayb gali wayday,ayaa ku jawaabay.

 

 

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Waxa wanaagsan in la kala garto Somaliland iyo Soomaaliya halka ay kala taagan yihiin oo laba marxaladood kala ah oo kala duwan,  kuwaasoo kala ah Soomaaliya waxay maraysaa oo laga taageerayaa nabad gelyada iyo sidii hannaan shaqeeya looga suurta galin lahaa,  Somaliland-na waxay maraysaa marxaladdii horumarka iyo wax wada qabsiga oo isku duruuf ma aha labada dal. Somaliland  waxaa ka hir galay hannaanka xisbiyada badan oo dalka ka jira waxaanna  ka qabsoomay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo kala dambeeyay oo qof iyo cod ah oo Madaxweynayaal isku bedeleen. Halka  ay Soomaaliya maraysaana waa meel aamu labaatan sano ka hor soo dhafnay markaa shir iyaga quseeya oo gaar u ah in la yidhaahdo ka soo qayb gala ma aqbalayno waanan u caddaynay qaadhaan bixiyeyaasha in Somaliland ay soo dhawaynayso haddii loo qabanayo shir u gaar ah oo quseeya maalgashiga khayraadka dalkeeda laakiin wax aan na qusayn oo meel ka dhac nagu ah kama qayb gelayno.Laakiin imikaba way socdaan shirar ay Xukuumaddu Dalka maal gelin ugu doontay oo ay ka mid yihiin Kalluunka Korontada Berbera Konidhor oo dhawaan la qabanayo kuwaa iyo kuwo kale oo badan oo dalka iyo dadkaba wax tar u leh waa la wadaa kuwii kale ee Somaliland u cuntama ee aan qaranaida iyo jiritaanka dalka lid ku ahayna waanu soo dhawaynaynaa laakiin qaranimada iyo jiritaanka dalkan qaadhaan lagu dhawici maayo”.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal   laga  way diiyay   sababta Turkiga  oo ahaa dalkii marti galinayay shirarkii wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya in uu qabto shir Soomaaliya u gaar ah oo hadana Somaliland qayb ka ahaato.Waxaanu   ku jawaabay  “Arrintaasi  Turkiga ayaa la  waydiin laakiin Somaliland waxay diyaar u tahay in wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya mar kale la isugu yimaado,wada hadaladaas oo ka duwanaan doona kuwii hore  isla markaana noqon doona kuwo ay Dawladda Turkiga oo markii hore isu keenida iyo gogosha oo kaliya ku lahayd in ay wada hadalada qayb ka noqoto oo ay dhex dhexaadiso iyadoo wali dawlado kalena in ay qayb ka noqdaan wada hadalada aanu doonayno.markaa Somaliland way ka go,antahay in wada hadalkaa lagu kala boxo  caalamku garawsado in Somaliland iyo Soomaaliya labadal kala yihiin tasoo dhabbaha u xaadhaysa aqoonsi ay Somaliland caalamka ka hesho”ayuu yidhi Axmed-keyse.

Ugu danbayn wasiir ku xigeenka oo aanu waydiinay  waxa Somaliland uga meel yaalla  haddii ay dhinaca Soomaaliya ka fuli waayaan qodobadda ka soo baxa shirka u dhexeeya labadda dal, waxa uu yidhi  “Taa imika ka hor dhici mayno in kasta oo shirar hore oo badan  oo labada dawladood wada yeesheen waxyaabihii lagu heshiiyay qaarkood ay ka baxday Soomaaliya hadana waxaanu caalamka u dalbanay in ay qayb ka noqdaan wada hadalada dambe ee Stanbul in ay heshiiska ogaadaan isla mrkaana qybtooda ka qaataan in Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyaan uu fulo markaa haddii ay ka baxdo markaasaan ayaan ka hadli doonaa.

Waxaa  kale oo jira oo aanu diidanahay in  shirarka Soomaliya u gaarka ah ay yidhaahdaan marba waa ka mid Somaliland oo way timi ama cid ay iyaga ah oo la joogtaa in ay na sheegato oo ay nagala mid dhigaan mamuladooda ay samaysteen ee Puntland iyo Galmudug. Taas ayaanu diidanahay oo meel ka dhac nagu ah mna aqbalayo Soomaaliya oo waxaanu uga digaynaa in ay joojiso cadaawadda ay u hayso Somaliland haddii aanu siyaasadda ku kala tagnay oo aanu laba dal kala noqonay sida aanaan dhibaato ula rabin ayaanu doonaynaa in ay iyaguna ahaadaan. Laakiin marba in ay dadkooda iyo madaxdoodu na sheegtaan kama aqbalayno.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews