berberatoday.com
Bur-Burka Haykalkii Dawladnimo ku habsaday ee aynu ka dhaxalnay Siyaasad xumida Xukuumada Siilaanyo waxaa inagaga daran Dhalan roga iyo Dhaqan roga inagu dhacay.Qalinkii A/fidhinle .UK‏
February 25, 2016 - Written by Berbera Today
Dhaqanada huwan mugdiga iyo madmadow badan ee ay adeegsato Xukuumada Siilaanyo waxay naafeysay dadkii, duunyadii iyo dalkiiba. Burburka hanaankii iyo haykalkii dawladnimo ku habsaday ee ay marin habaabisay Xukuumada Siilaanyo  waxaa inagaga daran dhaqan xumada ugubka ah ee ay la curatay Siyaasada madiga ku ah kooxda yar ee Xukuumadan gaabiska ah ee gabalkeedu sii dhacaayo.  Waxay mujtamaca reer Somaliland ka dhaxleen hab-dhaqanka xukuumada  Siilaanyo erayo madhan oo aan mariibneyn oo aan macne badan laheyn kuwaas oo maaxdumiyey milgihii iyo magacsamaantii qaranka Somaliland. Waxaana erayadaasi baabiiyeen dhaqankeenii, diinteenii iyo hidaheenii suubanaa. Waxay erayadani god madow ku rideen curfigii iyo dhaqankii dawladnimo, waxaana ka mid ah erayadaa  Xukuumada  Siilaanyo ducatay mudadii  6 -da Sanadood ku dhaweyd ee ay haysay  hogaanka dalka kuwan hoose:
1Xil-ka dege xurmaysan-  Waa shaqsi  la casilay oo hadana shakaalan kaas oo sife siyaasadeysan looga xanibay in uu hankiisa muujiyo oo xisbiyada kale ku biiro amaba fikirkiisa u holado oo xor u ahaado. Marna maaha sunaha dawladnimo iyo hab-dhaqan maamul in masuul xilkiisii ka soo bixi waayey oo la eryey oo xilkii laga qaaday oo shaqadii laga fadhiisiyey in lasii faruur xidho si kooraan beeleedka loogu buuxsado oo uu xayndaabka madaxtooyada u sii mayracdo laguna sii masruufo cashuurtii yareyd ee ummadda baahan wax loogu qaban lahaa. Saaxiibkay Sulub Kuye “Waxaan la yaabay sababta shaqsi guul daro laf jebisay ay qoobabka uga sii xidhayaan ee ay u diidayaan in uu iska daaq tago”!
2- Xil-Suge Xamuuran : ” Ileen cibaaro waa cabdoo kale eh”  Wuxuu aamin san yahay Xil-sugahani in aqoonta lagu dhaco oo lagu boobo maatada iyo hantida ummadda, Waxay kuwani ku caan baxeen xanshashaqa iyo  xabkaysiga kooxaysan waxaana ay ubiyeysteen guulwadeyn aan gabasho iyo garaad badan ku fadhiyin.
3–  Xildhibaan boqran oo ka duwan xidhibaanada kale. kaas oo ah daneyste la rarto oo aan miisaan iyo macne buuran laheyn laakiin ku caan ah in uu isaga dab-qaado goleyaasha iyo xayndaabka madaxtooyada si uu dha-dhamo kasta uu dheecaan yar u siisto.Xildhibaanadani xarago iyo xishootoona ma leh waxaana ay ummadda ku reebeen xanuun badan, xiqdi iyo xanaf kulul.
4–  Jini Boqor- Taajir:  Waa keligii noole ” Empathy ah ” wuxuu u tafo xaytay sife kasta oo uu hantida maguuraanka ah ee ummadda baahan uu u boobi lahaa , wuxuu caweyskii gucleeyaa oo isha mariyaa surimada banaan ee wadooyinka iyo wajahadaha Guryaha dawlada ka baxa, kama fekero cida markaa goobtaa hungurigu ka galay ku sugan , dana kama galo danta guud ee loo isticmaalo goobtaa uu calmaday ee uu cumaamada dhigtay sida hadii ay tahay  school, wershad, xarun ama xafiis ee isaga waxaa u cad in uu macaash doonto oo uu dhadhamo kasta dheecaan siisto. Kaas oo ku hadaaqa waxaan ahay Maalgashade ! Boowe   ” Anaguna waxaanu nahay Dhiig gashade iyo Dhoobo iyo dhagax gashade baa lagaa yidhi !! “
5- Xigto Maal. Waxaa xukuumadani la kowsatay oo aan Xukuumadihii hore lagu arag in ay isku khalado qoysnimada iyo qaranimada taas oo caalamka iyo indhaha shacabku wada arkeen fashilaada qaawan ee dulhoganaysa xayndaabka  madaxtooyada iyada oo la wada daalacday shaqsiyaad tuuro iyo tarbiicooyin yar yar isu yeela oo isha shacabku qabatay kuwaas oo ku xagafsada magaca iyo milgaha dawladnimo, waxaana ay ka jilaabtaan oo dabino daadsadeen goobaha dalka ugu muhiimsan sida Dekeda Berbera.
6-  Laqeybsade : Waxaa xukuumadani badka soo dhigtay in Hantida maguuraanka ah ee ummadda si dadban oo musuq ah loogu  qaybsado sifeyaal gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah  iyada la isticmaalayo shaqsiyaad darban oo dhabarka la soo taabtay iyo shirkado sameys ah oo aan hore u jirin si loo biyo dhiijiyo loona xaalufiyo oo sheerer weligood Jiri doona loogu galo  moodkii  iyo mooradii   ummadda baahani  wada lahayd.
7- Ku-qabsade : Maadaama aan dhamaan hatidii maguuraanka aheyd ee la wareejiyey aan xeer lagu wareejin, qandaraasna aan la marin ee lagu wareejiyey shirkado  macaash doon ah iyo shaqsiyaad maquuno doon ah. Waxaa goob kasta oo hanti dawladeed lagu wareejinaayo daaha dabadiisa ka soo gala Ku-qabsade La qaybsaday oo ishaaqsaday musuq maasuqa biyo dhiiijiyey hantidii ummadda  iyo sifeyaasha  qotada  dheer leh ee ay ku qotomaan gacan wadaagta xukuumadeysan ee hantidii ummadda wada qaybsaday sidaTujaarta ilma jinni boqor iyo shirkado ku sheeg iyo shaqsiyaad macaash doon ah halkaas oo Ku-qabsadena uu ku qabsaday  si uu luf luf uga oo afka wax loo geliyey oo uu uraamsado.
.
8- Weji-Kumacaash-  Waa shaqsiyaad Awr kiraale yaal ah oo ay masuuliyiinta xukuumadu abaabulaan mar marka ay duufaanadu ku kacaan , kuwaas oo hadalo iyo hawraaro deyro iyo quus hagoogan ah kaga hugma oo kaga hadaaqa mikirifoonada  warbaahinta la iska maqlo iyo ta layska arkaba.

9- Isxanbaar aan Xirfad laheyn : kadib markii ay xukuumada iska casileen Wasiiro tiro badan oo si lama filaan ah daaqada mar uga wada baxay waxay xukuumadii si kedis ah u qortay wasiiro cusub oo isxanbaar ah oo aan xirfad laheyn. Waxay Xukuumadani ku can baxday in ay xilal culus oo aaney qaadi Karin dusha u saarto Masuuliyiin aan dhaymo iyo dhaamis laheyn kuwaas oo khashaafadaha laga halacsaday iyaga xilalkii loo igmaday la daalaa dhacaaya oo khushi talaabsanaya mar marka qaarkood maadaama aaney laheyn aloos iyo aqoon hore oo u guntaneyd. Hase yeeshee aan hadana loo  tababarin, loo carbin oo aan lagu xasilin xilalkaa culus ee loo xanbaariyey.

10- Iska Yeelo: Waxay xukuumadani iskaa wax uqabsadii u bedeshay iska yeelo kadib markii ay seegtay cadaaladii iyo caqligii saliimka ahaa ee ay is garab eriday siidhigana uqabatay wadooyin balaadhan oo aaney beeli keli ahi dhisi karin , halkii ay ku dhiiran laheyd qorshaha wadooyinka ee ku qoran buugeeda Qorsheynta qaranka taas oo kolba wado la isugu tegi lahaa ee loo dhameys tiri lahaa si loogu dhiirado iskaa wax uqabsadii Somaliya hore ugu caano maashay.
 Waxaan shacabka Somaliland la wadaagayaa in maanta Ceelalyadii shacabka reer Somaliland ku Cabi lahaa ay wada noqdeen Caamo, Cibaaro  iyo Cadow yuurura, Isxanbaar baadi soocda aaminsan oo digreeto ku fadhiya iyo Xildhibaano boqran oo sanqadha Zaadka dhegaysta sidaa daraadeed Shacabka  Somaliland aanu Ceelna uqodneyn Cidina umaqneyn.Waxaan xusuusinayaa Xukuumada Siilaanyo in Cadaalad daradaa iyo caqli xumadaa ay ku can baxday ay yihiin waxyaabihii Somaliya kala didiyey ee kala irdheeyey ee murugada badan iyo utunta raagtay kala dhex dhigay sidaa daraadeed aan marna laga yeeleyn in hantida maguuraanka ah ee ummadda Somaliland wixii ka hadhay in sife bilaa sharci ah ay ugu wareejiso oo ku naas nuujiso shaqsiyaadka kooban ee  ku mamay hantidii ummadda ka dhexeeyey.
Afeef : Anigu Daaha kama Rogin Dadkuna Wuu arkaayaa “Qormadani waa aniga rayigayga shaqsiga ah , Waana laygu diidi karaa, Lagana doodi karaa, layguna garaabi karaa.”
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews